Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab Oo Beeniyay In La Dilay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Somalia (slpost)Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) cali dheere ayaa beeniyay inuu ku geeriyooday duqeyn diyaaradaha dagaalka Kenya ee ka dhacay degmada Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inuu nool yahay, isla markaana Dowladda Kenya sheegashadeeda ah inay dileen isaga, wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta madaxa bannaan ee warkaasi faafiyay inay si indho la’aan ah u qorayaan warar aanay iska hubin.

“Waa been warka ay iga faafiyeen ciidamada Kenya” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere oo sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay ka soo hartay dacaayad iyo warar raqiis ah oo ay ku qaldeyso xaqiiqda ka jirta Soomaaliya.

 

Dhinaca kale afhayeenka Al-Shababaab ayaa sheegay in wararka beenta ah ee ciidamada Kenya ay ka waantoobaan warbaahinta madaxa bannaan, isagoona kula taliyay in marka hore ay iska hubiyaan wararka ay qorayaan.

 

Somalilandpost

Hargeysa/Somaliland

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This