Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa walaac xooggan ka muujiyey xadhigga suxufi Cabdiqani Xuseen Abokor, oo loo yaqaan Cabdiqani Baylood, kaas oo la xidhay subaxnimadii shalay, sida uu ururku sheegay.
SOLJA ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in suxufiga loo jaray toddoba maalmood oo xabsi-ku-hayn ah, kadibna loo gudbiyey Xabsiga Weyn ee magaalada Hargeysa.
Sida uu ururku sheegay, Cabdiqani Baylood waxaa lagu soo oogay eedo hordhac ah oo loo cuskanayo Qodobbada 215 iyo 220 ee Xeerka Ciqaabta Guud, kuwaas oo SOLJA sheegay inay la xidhiidhaan muuqaal uu suxufigu ka duubay Abwaan Jiheeye oo isna la xidhay.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ayaa walaac ka Muujiyey habka loo maray xadhigga suxufiga oo ururku sheegay in aan loo marin hannaan sharci ah iyo amar maxkamadeed.
SOLJA waxay ugu baaqday hay’adaha amniga iyo caddaaladda Somaliland in kiiska Cabdiqani Baylood loo maro hannaan sharci oo ku dhisan caddaalad, hufnaan iyo dhowrista xuquuqda suxufiga.
Ururku wuxuu sidoo kale ka digay in xadhigga iyo dacwadaha loo adeegsado cabudhinta saxaafadda ama xannibaadda xorriyadda hadalka, isaga oo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo xaqa bulshada u leedahay helitaanka macluumaadka iyo xogaha saamaynta ku leh noloshooda.
Ururka SOLJA wuxuu sheegay inay suxufiga u qabteen qareenno u dooda, isla markaana ay si dhow ula socoto kiiska, iyadoo dadaal ugu jirta sidii Cabdiqani Xuseen Abokor u heli lahaa xorriyaddiisa.
Ugu dambayn, ururka ayaa mar kale ka digay cadaadiska, cabsi-gelinta iyo xadhigga suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta si waafaqsan sharciga.

Xadhigga Cabdiqani Baylood ayaa ku soo beegmaya xilli ay hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xorriyadda saxaafaddu diiwaangeliyeen korodh weyn oo ku yimid xadhigga iyo cadaadiska lagu hayo suxufiyiinta Somaliland, gaar ahaan tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay talada la wareegtay bishii December 2024.
Hay’adda Reporters Without Borders (RSF) ayaa sheegtay in sannadkii 2025 ay Somaliland ka diiwaangelisay Xadhigga 21 suxufi, kuwaas oo toddoba ka mid ah muddo laba maalmood ah. RSF waxay xustay in sagaal suxufi la xidhay bishii September 2025 oo keliya.
Somalilandpost News
