Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Boobe Yuusuf Ducaale

spot_img
- Advertisement -

HARGEYSA (SLpost) – Xabaalaha Baqiic ee Woqooyiga magaalada Hargeysa ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Munaasibadda aaska waxa ka qaybgalay kumannaan qof oo isugu jiray madaxda qaranka, haldoorka bulshada, mujaahidiintii ay halganka soo wada galeen, aqoonyahanno, suxufiyiin, siyaasiyiin iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, oo munaasibadda aaska qaran ka jeediyey hadal kooban, ayaa Marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dembi-dhaaf. Waxa kale oo uu bulshada ka codsaday inay saamaxaan Marxuum Boobe Yuusuf Ducaale, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in loo duceeyo marxuumka.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo muddo dheer Marxuum Boobe soo wada soo shaqeeyeen, gaar ahaan xilligii halgankii SNM, ayaa ka warramay taariikhda, aqoonta iyo kaalintii uu Boobe ku lahaa halgankii dalka iyo dib-u-dhiska dowladnimada iyo nabadda Somaliland. Waxa uu sidoo kale Marxuumka u rajeeyey naxariista Eebbe.

Aaska Qaran Ee Marxuum Boobe Yuusuf Ducaale Hargeysa
Aaska Qaran Ee Marxuum Boobe Yuusuf Ducaale Hargeysa

Masuuliyiinta hay’adaha dowladda iyo dadweynihii ka qaybgalay aaska ayaa hadalladooda ku muujiyey kaalinta wax-ku-oolka ah ee Marxuum Boobe uu bulshada ku lahaa, gaar ahaan doorkiisii ku aaddanaa kaydinta iyo diiwaangelinta taariikhda halganka iyo sooyaalka bulshada. Waxa ay dhammaantood Alle uga baryeen inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, qoyska iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.

Ka qaybgalka ballaadhan ee aaska ayaa muujiyey maamuuska iyo qiimaha uu Marxuum Boobe ku lahaa bulshada. Waxa uu ahaa halgamaa, qoraa iyo aqoonyahan muddo dheer ku hawlanaa ururinta, kaydinta iyo diiwaangelinta taariikhda halgankii dib u xoreynta dalka, isaga oo jiilasha dambe uga tegay dhaxal qoraal iyo mid taariikheed oo mudan in la xafido.

Alle ha u naxariisto Marxuum Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehelkiisa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Somaliland.

- Advertisement -
kaariye
kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Latest news

- Advertisement -

Related news