HomeSomali NewsEthiopiaMadaxweyna Somaliland Oo Caalamka u soo Bandhigay Muhiimadda Heshiiska Ethiopia u Leeyahay...

Madaxweyna Somaliland Oo Caalamka u soo Bandhigay Muhiimadda Heshiiska Ethiopia u Leeyahay Ammaanka Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay JSL u halgamayso sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd beesha caalamka, kaasi oo ay ku taamaysay 33kii sannadood ee ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintan kaga hadlay waraysi uu siiyey Wargeyska Fanancial Times, waxa uu caddeeyay in heshiiska Isfahan ee ay la galeen Itoobiya uu Somaliland fursad u siinayo inay taageerto dedaalka caalamiga ah ee ilaalinta maraakiibta gacanka Cadmeed iyo badda cas. Halkaasi oo ay ka jirto qulqulatooyin nabadgelyo darro.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu bayaamiyay in Itoobiya ay saldhig millatari oo badda ah ka samaysanayso xeebta JSL, iyadoo Somaliland-na ay ku doorsatay in Itoobiya aqoonsato qarannimada madaxbannaanida Somaliland.

Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu xusay in heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Itoobiya uu xaqiijinayo himilada iyo tubta loo marayo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalamiya.

Madaxweyne Biixi wuxuu intaas ku daray in aqoonsigu uu u horseedi lahaa inay Somailand kasbato maalgelin dheeraada, iyadoo dhaqaalaha dalka oo ah $3.4 Bilyan Doolar uu ka soo galo Somaliland ganacsiga badda, xawaaladaha iyo dhoofka xoolaha.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadallada Soomaaliya ku andacootay in heshiiska Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu kordhinayo kooxaha xagjirka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay inuu rajaynayo in ummadda Somaliland ay taageeri doonaan heshiiska ay xukuumadiisu la gashay Itoobiya oo ay socoto qorshihii lagu dhammaystiri lahaa.

Wargeyska Fanancial Times wuxuu weriyay in xafiiska madaxweynaha Somaliland uu yaallo nuqulkii heshiiskii Somaliland madax-bannaanideeda kaga heshay Ingiriiska sannadkii 1960kii, kadibna ay la midowday Soomaalidii uu xukumi jiray Talyaanigu, waxa kaloo ay ka hadleen halgankii qadhaadhaa ee ay Somaliland u soo martay dib u hanashada madax-bannaanida ay ku naalloonayso.

 

Somalilandpost.news
Hargeisa/Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories