Maraykanka Oo Luuqad aan Looga Baran Kaga Hadlay Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Washington (SLpost)- Dawladda Maraykanka ayaa si aan gabbasho lahayn ugu dhawaaqday inay heshiis Millatari oo khuseeya Saldhigga diyaaradaha ee Berbera si toos ah ula galayaan dawladda Somaliland.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Maraykanka Christopher Landau, ayaa sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu si deg-deg ah heshiiskaas ula galo dawladda Somaliland.

Xoghaye ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Maraykanka oo ka jawaabay su’aal ku saabsan siyaasadda dowladiisa ee khuseysa Somaliland iyo Soomaaliya lagu waydiiyey bartiisa X, ayaa caddeeyay in Maamulka Madaxweyne Trump uu dib u habayn ku samaynayo siyaasaddiisa arrimaha dibedda isla-markaana ay si xad- dhaaf ah u yaraynayaan gargaarka ay u fidiyaan Soomaaliya.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo ka jawaabayey su’aasha laga waydiiyey iskaashiga Somaliland iyo joojinta taageerada Soomaaliya, ayaa si kooban ugu jawaabay, “Arrintan si dhow ayaan uga fiirsanaynaa,” ayuu yidhi Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo hadalkiisu noqonayo badheedhe naadir ah Oo aan hore looga baran masuuliyiinta dowladda Maraykanka inay si badheedh ah uga hadlaan xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland.

 

Danjire Christopher Landau oo ah dublomaasi muddo ka soo shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa hore u soo noqday Safiirka Maraykanka ee dalka Mexico.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This