HomeQormooyin Khaas ahCaqli Halagu Daro Quudka Aan Jirin ee Hargeysa Qoryaha U Guranayso

Caqli Halagu Daro Quudka Aan Jirin ee Hargeysa Qoryaha U Guranayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muranka ka taagan maamulka caasimadda Hargeysa ayaa si isa soo taraysa u noqonaya arrin siyaasadaysan oo dhalin karta kala qaybsanaan bulsho iyo xasillooni-darro siyaasadeed. Waxa muuqata Saddex qodob oo si weyn xuddun ugu noqday doodaha taagan: maayirka oo hore u ballan-qaaday inuu iscasilayo balse aan wali xilka ka degin, muddo-kordhintii loo sameeyey goleyaasha deegaanka iyo faro-gelin siyaasadeed Oo lagu eedaynayo xukuumadda.

Ugu horrayn, waxa bulshada iyo siyaasiyiinta qaarkood si weyn u hadal hayaan maayirka caasimadda oo hore u shaaciyey inuu iska casilayo xilka marka muddo-xileedkiisu dhammaado, balse aan wali fulin ballanqaadkaas. Tani waxay abuurtay jahawareer siyaasadeed iyo muran ku saabsan sharciyadda iyo waqtiga saxda ah ee lagu wareejinayo hoggaanka degmada. Dad badan ayaa arrintan u arka inay dhaawacayso kalsoonida shacabka ee masuuliyiinta iyo ballanqaadyada siyaasadeed.

Qodobka labaad waa muddo-kordhintii dhowaan Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen goleyaasha deegaanka oo la doortay sannadkii 2021-kii. Muddo-kordhintan oo gaadhaysa 27 bilood ayaa sii murgisay xaaladda siyaasadeed, maadaama ay abuurtay fasiraado kala duwan oo ku saabsan sii joogista masuuliyiinta xilalka haya iyo hannaanka awood wareejinta. Qaar ka mid ah bulshada iyo dadka siyaasadda falanqeeya ayaa u arka in muddo-kordhintu ay meesha ka saarayso baahidii degdegga ahayd ee iscasilaadda maayirka oo culaysyo badan lagu hayo halka kuwo kalena ay ku doodayaan in ballanqaadka maayirku tahay aragti ku dhisan mustaqbal Siyaasadeed oo go’aan-qaadashiidu ku cusub tahay Somaliland, taasina ay abuurtay culays Siyaasadeed iyo faro-gelin ka imanayssa masuuliyiin xilal sare ka haya Xukuumadda oo Xafiiltan Siyaasadeed ka dhexeeyo Maayirka caasimadda, kuwaas oo juhdi badan galiyey fashilinta go’aanka is-casilaadda.

Arrinta saddexaad ee sii hurinaysa muranka ayaa ah faro-gelinta siyaasadeed ee lagu eedaynayo xukuumadda. Waxaa jira aragtiyo sheegaya in masuuliyiin sare oo xukuumadda ka tirsan ay si dadban u hagayaan jihada loollanka maayirnimada iyo ku-xigeenka, iyagoo taageeraya dhinacyo gaar ah si ay u yeeshaan saamayn siyaasadeed oo lagu dhaawacayo midnimada bulshada Caasimadda iyo madax-bannaanida goleyaasha Deegaanka dalka.

Sidoo kale, arrintan waxa si muuqata ugu lug leh qaar ka mid ah madax-dhaqameedka loo arko inay fulinayaan danaha siyaasadeed ee xukuumadda, kuwaas oo tallaabooyinkoodu sii kordhinayaan kala qaybsanaanta iyo xurgufta bulshada caasimadda Hargeysa. Halkii laga filayay inay door ka qaataan dejinta xaaladda iyo ilaalinta wadajirka bulshada, waxa muuqata in faro-gelintoodu sii hurinayso xiisadda siyaasadeed iyo kala shaki bulshada dhexdeeda.

Doorashada maayirka iyo maayir ku-xigeenka caasimadda Hargeysa waa arrin u baahan bisayl siyaasadeed, wada-tashi iyo ilaalinta midnimada bulshada. Marka arrintan laga dhigo loollan siyaasadeed oo dhinacaysan, waxa si fudud u abuurmaya kala-qaybsanaan, xurgufo iyo xiisado saamayn kara wada mustaqbalka shacabka caasimadda.

Bulshada Hargeysa waxay mudan yihiin ixtiraam iyo metalaad ku dhisan karti, adeeg bulsho iyo danta guud oo laga shaqeeyo, halkii laga gelin lahaa muranno siyaasadeed oo sii kala fogeyn kara. Waxa biyo-kama-dhibcaan ah in Siyaasadeynta arrintani ay u muuqan karto mid faa’iido u leh dhinacyo dano-gaar ah leh oo doonaya in ay abuuraan mashquul Siyaasadeed oo Bulshada laga dhex-abuuro si ay fursad ugu helaan meel-marinta danahooda gaarka ah.

Waxaa muhiim ah in madaxda, xildhibaanada iyo waxgaradka caasimaddu ay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda, halkii ay sii hurin lahaayeen khilaafka, iyadoo xulashada maamulka degmada lagu saleynayo hufnaan, sharci iyo is-ixtiraam siyaasadeed, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka shacabka caasimadda.

Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories