HomeLatest NewsKacdoonka Qiimaha Shidaalka Somaliland iyo Fajaca Shacabka

Kacdoonka Qiimaha Shidaalka Somaliland iyo Fajaca Shacabka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Qiimaha Shidaalka Somaliland oo kordhay 32% Saddex usbuuc gudahood

Qiimaha shidaalka ee Somaliland ayaa mar kale cirka isku shareeray, iyadoo arrintan ay abuurtay dood weyn, cadho bulsho iyo su’aalo la xidhiidha sida go’aamada xukuumaddu iyo shirkadaha shidaalku u saamaynayaan nolosha shacabka.

Korodhka Qiimaha iyo Sababaha Horseeday

Muddooyinkii u dambeeyey, qiimaha shidaalka dunida ayaa kor u kacay iyadoo ay door ku leeyihiin Xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe, Saameynta wadamada soo saara shidaalka oo dagaalka qayb ka ah iyo Khalkhal ku yimid marin-biyoodka Hormuz oo ay maraan boqolkiiba 20 gaadiidka badda ee Shidaalka ka qaada dalalka Khaliijka.

Saamayntan ayaa soo gaadhay Somaliland oo litirka shidaalku gaadhay 11,500 shilin oo u dhiganta ($1.1) taas oo culays weyn ku noqotay gaadiidleyda iyo adeegyada kale ee bulshada.

Wareegtadii Wasaaradda Ganacsiga iyo Diidmada Shirkadaha

Iyadoo la eegayo culayska sii kordhaya, Wasaaradda Ganacsiga Somaliland waxay soo saartay wareegto ay ku farayso shirkadaha shidaalka soo dejiya in ay Qiimaha litirka shidaalka laga dhigo 9,000 shilin

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsatada shidaalka ayaa ka dhego-adeygay go’aankan, iyagoo sii watay iibinta qiimihii hore oo 2,500SHsl ka badan go’aanka wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Ganacsiga.

Tani waxay sababta inay shacabka Somaliland su’aalo iska weydiiyaan Awoodda fulineed ee Xukuumadda, Xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya shirkadaha shidaalka iyo xukuumadda Iyo in shirkaduhu ay leeyihiin ku-tagri-falka awoodda iyo jaan-goynta qiimaha badeedaha.

Shirkii Xukuumadda iyo Shirkadaha Shidaalka

Maanta ayaa lagu qabtay Hargeysa shir lagu falanqeeyey arrinta sicir-kaca ee shidaalka, waxaana isugu yimid Masuuliyiinta xukuumadda iyo Shirakadaha shidaalka soo dejiya. Shirkan oo socday muddo saacado ah, waxay labada dhinac ku heshiiyeen in qiimaha litirkii shidaalka la gaadhsiiyo 12,500 shilin, taas oo boqolkiiba 32 Ka badan qiimihii xukuumaddu soo jeedisay (9,000 shilin), boqolkiiba 8-na ka badan qiimihii shirkaduhu hore u iibinayeen toddobaadyadii u dambeeyey oo ahaa 11,500 shilin.

Horaantii bishan March, 2025 qiimaha litirka Shidaalka ah oo magaalada Hargeysa ka marayey 8,500SH/sl, waxa uu qiimaha cusub ee maanta la jaan-gooyey (12,500) ka dhigayaa inuu ka badan yahay boqolkiiba 32 muddo saddex toddobaad ah gudahooda.

Fajaca Bulshada iyo Dareennada ku dhashay

Go’aanka cusub wuxuu dadka shacabka ah ku noqday amakaag iyo fajac, iyadoo dad badan ku tilmaameen In dawladda ay u muuqato mid ku guuldarreysatay ilaalinta danaha Bulshada, In shirkadaha shidaalku ay heleen go’aan iyaga danaynayna iyo in layska indho-tiray hoos-u-dhaca ku yimi qiimaha shidaalka ee Caalamka.

Shacabka Somaliland ayaa Baraha bulshada ku faafiyey aragtiyahooda la xidhiidha go’aankan, iyadoo dadku isweydiinayeen:-

  • Maxaa xukuumadda ku qasbay inay ogolaato qiime ka sarreeya kii ay iyadu hore u Jaan-goysay?
  • Maxay tahay awoodda ay shirkaduhu ku diideen wareegtadii Wasaaraddu soo saartay maalmo ka hor?
  • Maxaa la iskaga indho-tiray qiimaha Shidaalka ee Suuqa caalamka oo hoos u dhacay?

Saamaynta Dhaqaale iyo Werwerka Shacabka

Korodhkan cusub ee qiimaha shidaalka wuxuu ku yeelan doonaa bulshada saameyn ballaadhan oo taabanaysa dhinacyada Korodh ku yimaadda qiimaha gaadiidka dadweynaha, qiimo-barar ku yimaadda badeecadaha daruuriga ah, taas oo sababi karta kacdoon shacab.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in haddii xukuumaddu ku adkaysan lahayd qiimaha 9,000 ee hor u jaan-goysay ay dalka ka dhacdo shidaal la’aan maadaama oo soo-dejinta shidaalka gacanta ugu jiro Shirkadaha.

Gebo-gabadii, Arrinta qiimaha shidaalka waxay mar kale dib u iftiimisay awoodda xukuumaddu u leedahay xakamaynta Qiimaha suuqyada muhiimka ah, Saamaynta shirkadaha gaarka loo leeyahay ku leeyihiin nolosha dadka, Baahida loo qabo sharci dejin xooggan oo nidaamisa soo dejinta shidaalka Iyo werwerka shacabka ee ku saabsan Awoodda jaan-goynta masiirka nolosha Bulshada ee gacanta ugu jirta Ganacsatada.

Hargeysa/Somaliland
Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories