HomeQormooyin Khaas ahAqoonsiga Somaliland: Muxuu Uga Dhigan Yahay Jigjiga, Jabuuti iyo Mustaqbalka Gobolka?

Aqoonsiga Somaliland: Muxuu Uga Dhigan Yahay Jigjiga, Jabuuti iyo Mustaqbalka Gobolka?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aqoonsiga rasmiga ah ee ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah arrin aan ku koobnayn Somaliland oo keliya, balse si toos ah u taabanaysa danaha istaraatiijiyadeed, dhaqaale, iyo amni ee Gobolka Soomaalida Itoobiya (DDS), Jabuuti, iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Somaliland, oo tan iyo 1991-kii dib ula soo noqotay madax-bannaanidii ay lumisay 1960-kii xilligaas oo ay la midowday Soomaalida, ayaa hadda gashay marxalad cusub oo siyaasadeed kadib markii ay heshay aqoonsi caalami ah oo jebiyey xayndaabkii muddada dheer jiray. Isbeddelkan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Xeebaha Badda Cas.

Jigjiga iyo Gobolka Soomaalida Itoobiya: Fursad Istaraatiiji Ah

Gobolka Soomaalida Itoobiya, oo xaruntiisu tahay Jigjiga, ayaa ka mid ah meelaha sida tooska ah uga faa’iideysan kara horumarka Somaliland. Dekedda Berbera, oo ay maalgelisay DP World, ayaa horeyba u noqotay marin muhiim u ah ganacsiga Itoobiya.

Aqoonsiga Somaliland wuxuu:

  • Xoojin karaa kalsoonida maalgashadayaasha ee marinka Ganacsi ee Jigjiga–Tog Wajaale–Berbera
  • Yareyn karaa ku-tiirsanaanta hal deked oo kaliya.
  • Abuuri karaa shaqo iyo dhaqdhaqaaq ganacsi oo ka dhex dhaca Jigjiga iyo magaalooyinka xuduudda ku teedsan.

Ganacsatada DDS ayaa u arka Berbera deked ka dhow, ka jaban, kana ammaan badan kuwa kale

Itoobiya: Amni, Ganacsi, iyo Siyaasad Dheellitiran

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, isla markaana leh baahi sii kordhaysa oo dhanka dekedaha ah, waxay ka faa’iidaysan kartaa Somaliland oo noqota dal xasiloon, la aqoonsan yahay, kana shaqeeya danaha wadajirka ah ee gobolka.

Somaliland waxay u soo bandhigaysaa Itoobiya:

  • Marin ganacsi oo ammaan ah
  • Iskaashi amni oo ka dhan ah tahriibka, argagixisada, iyo hubka sharci darrada ah
  • Fursado maalgashi oo ku jira dekedaha, warshadaha, iyo beeraha

Aqoonsiga Somaliland wuxuu noqon karaa mid si tartiib ah u beddela xisaabta juqraafiyeed ee Itoobiya.

Jabuuti: Tartanka Iyo Isku-Dheellitirnaanta

Dhanka Jabuuti, horumarka Somaliland wuxuu keenayaa tartan cusub oo dekedaha ah. Inkastoo Jabuuti weli tahay dekedda ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho, Berbera waxay soo bandhigaysaa doorasho kale oo istaraatiiji ah.

Arrintani:

  • Waxay Jabuuti ku dhiirrigelin kartaa horumar iyo tartan caafimaad qaba
  • Waxay xoojin kartaa doorka Badda Cas oo dhan
  • Waxay u baahan tahay siyaasad deggan oo gobolka ah, halkii laga abuuri lahaa xasarad cusub

Aragtida Gobolka: Xasillooni Mise Khilaaf?

Inkasta oo dalalka walaac ka muujiyeen aqoonsiga Somaliland, haddana xaqiiqadu waxay tahay in Somaliland ay tahay dhul xasiloon oo leh hay’ado shaqeeya. Gobolka Geeska Afrika wuxuu u baahan yahay:

  • Xasillooni
  • Isku-xidh dhaqaale
  • Ka-faa’iidaysi wadajir ah oo dekedaha iyo kheyraadka ah

Aqoonsiga Somaliland haddii si caqli leh loo maareeyo, wuxuu noqon karaa fursad goboleed, halkii uu ka noqon lahaa khilaaf cusub.

Gunaanad

Jigjiga, Jabuuti, iyo Itoobiya midkoodna kama go’na isbeddellada ka socda Somaliland. Aqoonsiga Israa’iil ma aha arrin siyaasadeed oo keliya, balse waa isbeddel saameyn ku leh ganacsiga, amniga, iyo mustaqbalka wada-noolaanshaha gobolka.

Warbaahinta gobolka waxaa saaran masuuliyad ah inay arrintan u eegto si ka baxsan shucuur dano-gaara ku dhisan, eex iyo laab-la-kac iyo eex, una iftiimiso bulshada fursadaha dhabta ah ee ka iman kara Somaliland oo noqota dal la aqoonsan yahay, xasiloon, kana qayb qaata horumarka Geeska Afrika.

somalilandpost.news/ 

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories