HomeSomali NewsSomalilandGuddiga Farsamo ee Dhammeystirka Heshiiska Ethiopia Oo La Kulmay Xisbiga Mucaaradka Somaliland

Guddiga Farsamo ee Dhammeystirka Heshiiska Ethiopia Oo La Kulmay Xisbiga Mucaaradka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga farsamo ee loo xil-saaray dhammeystirka heshiiska Is-faham ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Xisbiyada mucaaradka ah.

Guddigan farsamo oo ay hoggaaminayaan Danjire Baashe Cawil iyo safiirka Somaliland ee Maraykanka Danjire Bashiir Good, waxa ay kulamo la qaateen madaxda Xisbiyada Waddani iyo UCID maadaama ay ka mid yihiin metelayaasha siyaasadda ee dalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulanka guddiga iyo madaxda xisbiyada siyaasadda oo ka mid ah metelayaasha siyaasadda dalka, haseyeeshee waxa la ogtahay inay labada xisbi mucaarad hore u soo bandhigeen aragtiyahooda ku aaddan heshiiska isfaham oo 1-dii bisha January ee Sannadkan ay Magaalada Addis Ababa ku kala saxeexdeen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa hore u soo dhaweeyey is-afgaradka dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, isagoo ku tilmaamay fursad dahabi ah oo Somaliland u baahan tahay inay ka faa’idaysato.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isagu kalsooni-darro ka muujiyey heshiiska is-faham oo uu ku tilmaamay mugdi wax badan ku qarsoon yihiin.

Si kastaba ahaatee, Kulanka maanta dhexmaray Guddiga iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa qayb ka ah geeddi-socodka hawlaha loogu xil-saaray guddiga oo ku hawlan sidii is-afgaradka loogu beddeli lahaa heshiis laba geesood ah oo sharci ah.

Sidoo kale, waxa ay guddigu dhawaan kulamo la qaateen odayaasha odayaasha iyo wax-garadka deegaamada xeebaha Galbeeddka dalka, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Selal.

Dowladda Ethiopia ayaa sidan oo kale Guddi heer qaran ugu xil-saartay dhammeystirka heshiiska, waxaanay dhawaan Socdaal ku yimaaddeen Somaliland, iyagoo booqasho ku tagay dekedda Berbera iyo deegaanno ka mid ah xeebaha Galbeedka Somaliland.

Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories