HomeSomali NewsSomaliaBeesha Caalamka oo Bogaadisay Wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya Oo Khilaaf Siyaasadeed ka Abuuray...

Beesha Caalamka oo Bogaadisay Wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya Oo Khilaaf Siyaasadeed ka Abuuray Dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Saaxiibada Soomaaliya ee beesha Caalamka, ayaa maanta bayaan wada-jir ah ka soo saaray dib-u-eegista Dastuurka dalkaas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen.

In kasta oo Wax-ka-beddelka dastuurka Soomaaliya oo khilaaf siyaasadeed hor leh ka abuuray gudaha dalkaas, haddana beesha caalamku waxay ku tilmaantay tallaabo meesha ka saaraysa xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo kaalinta Soomaaliya kaga jirto Caalamka.

“Saaxiibada Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo sidii Soomaaliya ugu hoggaansami lahayd waajibaadka Caalamka ee Xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waanu sii wadi doonaa wada-shaqaynta Soomaaliya maadaama ay wax ka beddelayso kaalinta ay Caalamka kaga jirto,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka beesha Caalamka.

Beesha caalamku waxa ay bogaadisay wax ay ku tilmaameen ‘Ujeeddooyinka Qeexan’ ee Dowladda Soomaaliya ka leedahay dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka oo ay ka go’an tahay inay dhammeystirto.

Bayaanku wuxuu u baaqay dhinacyada ay khuseyso dib-u-eegista Dastuurka oo dowlad-goboleedyadu u horreeyaan inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan hirgelinta is-afgarad buuxa oo laga gaadho dastuurka iyadoo loo marayo hannaan loo dhan yahay.

Waxa bayaanka wada-jir ugu saxeexan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), Belgium, Denmark, Djibouti, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Urur-goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta, Norway, Sudan, Sweden, Türkiye, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Bayaanka Beesha Caalamku ka soo saartay dib-u-eegista dastuurka, ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf weyn soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland.

Khilaafka oo ka dhashay dib-u-eegista dastuurka, waxa uu sababay in maamul-goboleedka Puntland kalsoonida iyo wada-shaqaynta kala noqdo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyadda madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waxa maanta magaalada Garowe kulan ku dhexmaray madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms Catriona Laing.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay, Haweenaydan ayaa kala hadashay madaxweynaha Puntland qodobbo dhowr ah oo uu ka mid yahay sidii wada-xaajood loogu dhammeyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya.

 

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories