HomeSomali NewsEthiopiaSomaliland iyo Ethiopia Oo Ka Shiray Xidhiidhka Labada Waddan iyo Xiisadda Gobolka

Somaliland iyo Ethiopia Oo Ka Shiray Xidhiidhka Labada Waddan iyo Xiisadda Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Oslo (SLpost)- Magaalada Oslo ee caasimadda Dalka Norway waxa toddobaadkan ku qabsoomay Kulan muhiim ah Oo dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay sii xoojinta Xidhiidhka iyo danaha labada waddan.

Kulankan ayaa dhexmaray Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan iyo Safiirka Ethiopia Dowladda Federaalka Ethiopia u fadhiya Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo safar shaqo ku jooga dalka Norway oo aanay Ethiopia wax safaarad ah ku lahayn marka laga reebo Qunsuliyad qaabilsan Isu-socodka labada waddan iyo adeegyada muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool Norway.

Safiirka Somaliland ee dalka Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan ayaa qoraal mahad-naq iyo bogaadin isugu jira Kaga hadlay ujeeddada kulanka iyo arrimaha ay ka wada-hadleen Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Sweden Danjire Mehreteab Mulugeta oo uu xusay inay wada-qaateen kulan midho-dhal ah.

“Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelinayaa kulanka midha-dhalka ah ee aan Oslo kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Danjire Mehreteab Mulugeta,” sidaas ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway, waxaanu intaas ku daray inay isweydaarsadeen afkaar iyo aragtiyo midho-dhal ah oo qayb laxaad leh ka qaadan kara xidhiidhka labada waddan. “Waxaan ku kalsoonahay inay natiijo wanaagsan oo wax-ku-ool ahi ka soo bixi doonto wadashaqeynteena,” ayuu yidhi Danjire Maxamed Maxamuud Aadan.

Safiirka Dowladda Somaliland ee dalka Norway waxa uu dhiggiisa dalka Ethiopia ku bogaadiyey in muddadii kulanku socday uu muujiyey sida ay go’an tahay sii xoojinta Xidhiidhka u dhexeeya labada waddan, waxaanu u ballan-qaaday inay si dhow uga wada-shaqayn doonaan xoojinta Xidhiidhka iyo ilaalnta danaha labada waddan.

Kulanka dhexmaray labadan dublomaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya, iyadoo Xukuumadda Muqdisho toddobaadkan dalkeeda ka caydhisay safiirkii Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya.

Somalilandpost.news
contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories