HomeSomali NewsAl-Shabaab oo sheegtay inaanu Al-Amriiki noloshiisu halis ku jirin iyo Sierra Leone...

Al-Shabaab oo sheegtay inaanu Al-Amriiki noloshiisu halis ku jirin iyo Sierra Leone oo Ciidamo geynaysa Jubbooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, 18 March, 2012 (SLpost)- Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda argagixisa ee Al-Qaacida, ayaa Bayaan ay shalay soo saareen kaga hadlay dhawaaq cabasho ah oo ka soo yeedhay mid ka mid ah argagixisada Ajaanib-ka ah ee ka tirsan Al-Qaacidada Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Bayaanka ka soo baxay Malleeshiyada Al-Shabaab oo lagu daabacay barta Internet-ka Twitter ay ku leeyihiin, ayaa lagu sheegay in nolosha Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki aanay khatar ku jirin, waxaanay sheegeen inuu ku nool yahay barwaaqo.

Al-Amriiki oo dhalashadiisu tahay Mareykan, ayaa cajalad uu soo duubay ku sheegay toddobaadkan in noloshiisa ay soo food-saartay khatar, wuxuuna cajaladda ku sheegay inuu ka baqdin qabo in la dilo. “Waxaannu billownay baadhitaanno aan ku doonayno inaannu ku ogaanno xaqiiqada iyo ujeeddada ka dambeysa cajaladdan muuqaalka ah ee ay warbaahintu daabacday. Abuu-Mansuur Al-Amriiki noloshiisu khatar kuma jirto, wuxuu la nool yahay walaalihiis, barwaaqo ayaanu ku jiraa. Layaab ayay ku noqotay Xarakada cajaladda internet-ka lasoo dhigay, taasoo lagu sheegay inay ku jirto nafta Al-Amriiki khatar.” Sidaa ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee ay Al-Shabaab kaga hadashay cajaladda qaylo-dhaanta ah ee Abuu-Maansuur Al-Amriiki ku baahiyey Internet-ka.

Malleeshiyada Al-shabaab weli si toos ah ugagamay hadal arrintaas Al-Amriiki, marka laga reebo qoraalkan lasoo dhigay barta Internet-ka, waxaanay tani noqonaysaa markii ugu horreysay ee si cad ay u shaaciyaan dagaalyahannada ajaanib-ka ah ee ka barbar-dagaallamaya Malleeshiyada Al-shabaab inay khatar nololeed soo wajahday. Waxaanay cabashada Al-Amriiki ku muujiyey halista naftiisu ku jirto iyo khilaaf cakarin oo uu Cajaladdiisa ku sheegay inuu ka dhex qarxay hoggaanka sare ee Argagixisada Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmaysa xilli awooddii ciidan ee Al-Shabaab la wiiqay, isla markaana dagaallo saddex geesood ahi kaga furan yihiin dhinaca Kenya, Itoobiya oo kaashanaysa Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo deegaanno ka baxsan toddobaadkan ka qabsaday Al-Shabaab.

Geesta kale, dawladda Sierra Leone, ayaa sheegtay inay badhtamaha sannadkan geynayso Soomaaliya hal guuto oo ciidamadeeda ka tirsan si ay uga qaybqaataan howlgalka lagula dagaallamayo Al-shabaab ee ay wadaan ciidammada AMISOM, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga dalka Sierra Leone, Major Ken Jabbi. Waxaanu intaa ku daray in ciidammadooda ay mar qudha tagayaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay dhammaantood ka kooban yihiin Rag.

“Ciidamada Sierra Leone tiradoodu waa 850-Askari oo tabobbar sare qaba, waxaanay mar qudha tagayaan Soomaaliya bisha Juun ee badhtamaha sannadkan.” ayuu yidhi Maj. Jabbi oo warbaahinta kula hadlay xarunta dalkaas shalay.

Dalka ku yaalla galbeedka Afrika ayaa wuxuu dhowr sano ka hor ballan-qaaday inuu ciidammo nabad ilaalin ah u dirayo Soomaaliya, kuwaasoo dib u dhacay, balse hadda waxay sheegayaan inay ka go’an tahay inay ciidammo u diraan Soomaaliya. Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa waxay qayb ka qaadanayaan korodhka tirada ciidammada AMISOM oo la gaadhsiiyay 17,700 oo Askari, kuwaasoo hoostagaya Midowga Afirka, balse ay dhaqaalahooda bixinayso Qaramada Midoobay, ujeeddadooduna tahay inay Soomaaliya ka cidhib-tiraan Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab oo hoostagta Shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida.

Taliyaha ciidamada Sierra Leone ayaa sheegay inay ciidamadoodu aqoon durugsan u leeyihiin habka looga shaqeeyo dal ay colaado ka jiraan, isla markaana ay awood u leeyihiin inay kaalin muhiim ah ka qaataan xasilinta Soomaaliya. Isaga oo intaa ku daray inay Ciidamada Sierra Leone la howlgalayaan ciidammada dawladda Kenya ee ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay Al-shabaab meelaha ay awoodda ku sii leedahay ka mid ah dalka Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories