HomeSomali NewsSomalilandWasiirka Khaarajiga Somaliland oo ka warbixiyey Casuumad ay xukuumaddiisu ka heshay Barlamanka...

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo ka warbixiyey Casuumad ay xukuumaddiisu ka heshay Barlamanka Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 31 March, 2012(SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana ka warbixiyey socdaal shaqo oo uu in mudda ahba uu ugu maqnaa waddamo Yurub, gaar ahaan casuumad ay xukuumadda Somaliland ka heshay Barlamanka Yurub.

Wasiirka oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isla markaana qolka nasashada ee garoonka warbaahinta ugu warramay, waxa uu sheegay in isaga iyo Weftigiisu ay dalka Belgium kaga qaybgalay kulankii Baarlamaannada Yurub oo Somaliland si gaar ah ugu casuumay.

Waxa uu wasiirku xusay in casuumadda Barlamanka Yurub ay ka dambaysay ka dib shirkii magaalada London loogu qabtay Arrimaha Soomaalida. Wasiirka oo arrintan faahfaahinaya waxa uu yidhi, “Safarkaasi wuxuu ka danbeeyey martiqaad ay xukuumadda Somaliland ka heshay ururka midawga Yurub khaasatan Baarlamaanka.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Booqashadda ama safarka oo ka danbeeyey shirkii magaaladda London ka dhacay bishii labaad ee sannadkan ee arrimaha Soomaalida lagaga hadleyey ee ay Somaliland ka hadashay, shirkaasi oo madaxweynuhu ka jeediyey khudbad uu kaga dalbanayo beesha caalamka inay Somaliland ula shaqayso arrimo fara-badan oo Somaliland horyaala oo ay nabadgeliyaddu ka mid tahay oo halka horumarka ee dhaqaaluhu ka mid yahay oo ay siyaasaddu ka mid tahay inay beesha caalamku kala shaqayso.”

Wasiirka oo waxa laga waydiiyey inay jiraan warar sheegay inuu madaxweynuhu magacaabay Ergay uu ugu talo-galay inuu waddahadashiyo Somaliland iyo Somaliland waxa uu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland oo ah madaxweynaha dalka ayaa isagu xaq u leh cida uu arrimaha ahaa kala tashaynayo cida uu ka qaybgalinayo. Laakiin, wadahadalka Soomaaliya in Guddi loo saaraa waa arrin u taala xukuumadda Somaliland, waana arrin aanu jecelnahay in aanu ka midho-dhalinno oo aanu uga badhayno rabitaanka shacabka Somaliland sidii lagu heli lahaa.”

“Ilaa hadda cid guddiya oo dawladda kala talisa arrimaha ahaa oo la magacaabay ma jirto, laakiin arrimahaasi iyo go’aankaasi waa arrimo u gaara madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ”.

somalilandpost.news

Hargeysa, News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories