HomeSomali NewsEthiopiaDowladda Jabuuti Oo Ethiopia u soo Bandhigtay Qorshe Lid ku ah Heshiiska...

Dowladda Jabuuti Oo Ethiopia u soo Bandhigtay Qorshe Lid ku ah Heshiiska Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxaa Keenay inay Jabuuti Xilligan Oggolaato Codsi ay Hore uga Diidday Dowladda Ethiopia?

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Jabuuti ayaa dalka Ethiopia u soo bandhigtay inay dekedaheeda u isticmaali karto Arrimo ganacsi iyo mid ciidanba, haseyeeshee waxa ay ku xidhay shuruud la xidhiidha ammaanka dalkeeda.

Dowladda Jabuuti, ayaa hore uga dhega-adaygtay codsi ra’iisal-wasaaraha Ethiopia kaga dalbaday madaxweyne Ismail Cumar Geelle Saldhig Militari oo Ciidamadeeda Baddu ka hawl-galaan, taasoo ku kalliftay Xukuumadda Addis Ababa inay heshiis is-afgarad la gasho Dowladda Somaliland.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Ethiopia, Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed, ayaa codsiga ay ku doonayso saldhigga Militari u gudbiyey Dowladda Jabuuti dhowr bilood ka hor doorashooyinkii guud ee dalkaas ka qabsoomay bishii February 2023-kii.

“Itoobiya waxay codsiga u gudbisay Jabuuti ka hor doorashada madaxtinimada. Doorashada markay dhamaatayna madaxweynaha kamuu hadal soo jeedinta. Itoobiya waxay markaas u soo jeesatay Somaliland oo gacmo furan ku soo dhawaysay,” sidaa waxa lagu yidhi warka aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Ethiopia oo intaas ku dartay inay dowladda Jabuuti ka badheedhay sida ay uga soo horjeeddo heshiiska dhexmaray Addis Ababa iyo Hargeysa.

Dowladda Jabuuti ayaa la sheegay  inay oggolaanshaha dalabka ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed ku xidhay Shuruud ah inaanay Itoobiya mustaqbalka wax khatar ah ku keenin amniga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qorshaha Dowladda Jabuuti xilligan kaga Jawaabtay dalabka Ethiopia, ayaa qayb ka ah olole lagu doonayo in lagu fashiliyo heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale Xukuumadda Addis Ababa ugu soo bandhigtay inay dhowr dekedood oo ka siinayso dalkeeda taasoo oo ay shuruud uga dhigtay inay Ethiopia ka laabato heshiiska Somaliland.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo dhawaan u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay layaab iyo af-kala-qaad ku noqotay heshiiska is-afgarad ee Somaliland la gashay Ethiopia.

Ethiopia ayaan ilaa hadda ka jawaabin qorshahan Dowladda Jabuuti xilligan ku oggolaatay dalabka ay hore uga diidday.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories