Somaliland iyo Ethiopia Oo Iska Kaashanaya Horumarinta Tacliinta Sare

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof Xasan Cumar Halas, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Masuuliyiin Sare Sare oo ka tirsan Dowladda Ethiopia.

Prof Xasan Cumar Halas oo maalmihii u dambeeyey socdaal Shaqo ku joogay dalka Ethiopia, waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Horumarinta Tacliinta Sare ee Itoobiya Dr Solomon Abrha iyo Dr. Ahmed Abtew, Gudoomiyaha hay’adda Ilaalinta Tayada iyo Aqoonsi bixinta tacliinta Sare (ETA).

Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland wuxu madaxda uu la kulmay uga mahadceliyay deeqaha Waxbarasho ee dawladda Itoobiya siiso Ardayda reer Somaliland, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Komishanka Tacliinta Sare ee JSL.

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare iyo Madaxda Ethiopia ee uu la kulmay ay ka wada hadleen is-dhaafsiga waaya-aragnimada labada dhinac iyo sidoo kale horumarinta adeegyada Tacliinta Sare ee Jaamcadaha labada dal.

Waxa kale oo warka lagu sheegay in masuuliyiinta labada waddan isla qaateen inay si dhow uga wada shaqeeyaan iskana kaashadaan Horumarinta Tacliinta Sare.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This