HomeXukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Cillad ku timi Adeegyada Shirkadda...

Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Cillad ku timi Adeegyada Shirkadda Telesom

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maamulka Shirkadda Telesom oo bulshada ka raalli-geliyay Cilladda ku timi Adeegyada ay bulshada u qabtaan oo ay sheegeen in la xalliyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda ee Somaliland, ayaa ka hadashay cillad soo food-saartay qaybo ka mid ah adeegyada ay bixiso shirkadda Telesom maanta oo Khamiis ah.

Adeegga Lacagaha laysugu diro ee Zaad ee shirkadda Telesom oo ah shirkadda ugu ballaadhan dhinaca adeegga Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa maanta gebi ahaanba joogsaday inuu shaqeeyo, waxaanay ciladdani saamayn xooggan ku yeelatay Shacabka Somaliland oo intoodani badani ku keydsadaan isuguna diraan lacagaha.

blankWasaaradda Isgaadshiinta Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay booggeeda Facebook, waxa ay sheegtay inay arrintan kala hadleen isla markaana xidhiidh kala sameeyeen maamulka shirkadda Telesom oo wasaaradda u xaqiijiyey inay gacanta ku hayaan xalinta cilladdan.

Waxa ay wasaaraddu qoraalkeeda ugu sheegtay bulshada inay muujiyaan samir isla markaana ay ka war-sugayaan muddada ay shirkaddu xallinayo cilladdan.

“Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyaddu waxa ay xidhiidh kala samaysay maamulka shirkadda Telesom isla markii ay cilladdu ku timi qayb ka mid ah adeegyada ay bixiso. Maamulka shirkaddu waxay noo xaqiijiyeen inay xallinta cilladdan gacanta ku hayaan, muddo koobanna ay ku dhammaystiri doonaan.

Haddaba, waxaa aanu bulshada ku war-gelinaynaa inay ka war-sugaan shirkadda, dulqaadna ay muujiyaan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Isgaadhsiintu ka soo saartay cilladaha ku yimi adeegyada shirkadda Telesom.

Cilladaha ku yimi adeegyada shirkadda Telesom, waxa ka mid ahaa iyadoo ay joogsadeen bixista khadka wicista telefoonada oo muddo kooban la dareemay.

Maamulka Shirkadda Telesom, ayaa bulshada ka raalli-geliyay cilladda ku timi qaybo ka mid ah adeegyada ay bulshada u hayso, waxaanay bulshada u ballan-qaadeen inay sida ugu dhakhsaha badan ku xalli-nayaan cilladda jirta.

blank
Maamulka Shirkadda Telesom

“Waxaanu ka raali galineynaa dhammaan macaamiishayada sharafta leh hakadkii ku yimid isticmaalka adeegyada Telesom. Waxaanu ku guddo jirnaa xalintii iyo cilad saaridii waxaanu iidiin balanqaadeynaa in aanu wakhti kooban ku xalineyno cilada dhacdey,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal shirkaddu ku baahisay ciwaannada ay ku leedahay Baraha bulshada.

Adeegyada shirkadda ee cilladdu ku timi, ayaa sidii caadiga ahayd ku soo noqday Fiidnimadii caawa, sida ay xaqiijiyeen Maamulka sare ee shirkadda Telesom oo caawa shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Guud ee Shirkadda.

Masuuliyiinta shirkadda ee goob-joogga ka ahaa shirka jaraa’id ee shirkaddu cilladda ku timi adeegyadeeda kaga raalli-gelisay bulshada waxa ka mid ahaa Maareeyaha Guud ee shirkadda Telesom Keyse Maxamuud Faarax, Maareeye ku-xigeenka Guud ee shirkadda Faarax Maxamed Guure iyo Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Cabdiwahaab Maxamed Xuseen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories