HomeSomali NewsMuwaadin u dhalashay Somaliland Oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Sababaha Loo Aanaynayo

Muwaadin u dhalashay Somaliland Oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Sababaha Loo Aanaynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Allah ha u naxariistee Eng Cabdinaasir Muuse Dahable oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland, ayaa gelinkii dambe ee maanta meydkiisa Laga Helay Gurigii uu ka deggenaa magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Marxuum Cabdinaasir oo ka mid ahaa Dhalinyaradii hay’adda ICAO ku wareejisay Soomaaliya, ayaa wakhti ku dhow sallaaddii Maqrib waxa Meydkiisa laga helay Gurigii uu deggenaa oo ku yaalla Xaafadda Buulo-xuubey oo ka tirsan degmada Wada-jir ee gobolka Banadir.

Lama oga sababta Geerida marxuumka haseyeeshee warar aanu ka helnay magaalada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in meydka marxuumka laga helay nabarro loo geystay.
Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 35 shaaqaale u dhashay Somaliland oo u shaqayn jiray hay’adda Duulimaadyada u Qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO oo Gacanta ku hayn jirtay Maamulka hawada Soomaalida.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka hawl-gali jiray Waaxda Xogta Badqabka Duulimaadyada caalamiga ah u qaabilsan hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya.
Wararka la xidhiidha geerida marxuumka, ayaa sheegay in laanta dambi-baadhista ee Ciidanka Booliska Soomaaliya gacanta ku hayaan meydka marxuumka isla markaana ay baadhitaan ku samaynayaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu cirka isku shareeray muranka maamulka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Marxuumka ayaa intii aanu ka hawl-galin hay’adda ICAO ee gacanta ku haysay maamulka hawada Soomaalida, waxa uu ka soo shaqeeyey Madaarka Diyaaradaha Eldoret International Airport ee dalka Kenya,

Allah ha u naxariistee, marxuum Abdinasir Muse Dahable, ayaa Cilmiga Maamulka gaadiidka Hawada (Air Transport Management) ku qaatay shahaadada Masters Degree oo uu ka Dhameystay Jaamacadda Cranfield University ee dalka UK.

Marxuum Abdinasir Muse Dahable oo ku dhashay kuna koray gobolka Maroodijeex, ayaa waxbarashadiisa Sare Ilaa Heer Jaamacadeed ku qaatay Dugsiga Sare ee Sheekh iyo Jaamacadda Gollis faraceeda Hargeysa oo uu ka bartay Aqoonta Civil Engineer-ka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories