Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa ka hadashay hadal-hayn ka soo noqotay Isbeddel maamul iyo magac-beddel lagu sameeyey Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Burco.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhawaan maamul cusub magacoday Kulliyad-jaamacadeedka laga barto culuumta Caafimaadka ee magaalada Burco, kaas oo loo magacaabay Aqoonyahan Abdishakuur Xasan Jaamac oo Cilmiga Physiology-ga ku haysta shahaadada Masters Degree, waxaanu beddelay Aqoonyahanad Fadumo Cismaan Axmed oo kaalin muhiim ah ka soo qaadatay dhismaha iyo Horumarka Kuliyad-jaamacadeedka magaalada Burco.
Labada masuul ee lakala wareegay xilka hoggaanka sare ee Jaamacadda Caafimaadka Burco oo deegaan ahaan ka soo jeeda Bariga Burco, waxa war-saxaafadeedka lagu xusay juhdigii iyo dedaalkii ay Faadumo Cismaan Axmed u hurtay Horumarinta jaamacadda muddadii ay joogtay isla markaana ay soo gaadhsiiyey heer wanaagsan oo la jaan-qaadaya hal-beegga Tacliinta Sare ee dalka.
War-saxaafadeed ay wada-jir u soo saareen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Komishinka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si faahfaahsan loogu soo bandhigay sababta keentay isbeddelka kuliyadda markii la aasaasay loo bixiyey Burao Institute of Health Sciences, kaas oo hadda loo bixiyey University College of Health Sciences.
War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan:- “Ujeeddo: Hadal ka soo Nogday Magaciibistii ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku Samaysay Hogaanka Sare ee Kuliyad Jaamacadeedka University College of Health Sciences – Burco
HORDHAC
Komishinka Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo a y taariikhdu tahay 14-Mar-2026 waxay si wadajir a h ugu caddeynayaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer, in Kuliyad Jaamacadeedka ku taalla magaalada Burco ee bixisa waxbarashada culuumta caafimaadka ay soo martay marxalado kala duwan iyo magacyo kala geddisan tan iyo markii la aasaasay ilaa maanta.
Magaca Sanadka Ilaa
- Burao Institute of Health Sciences 2005 2015
- Burao College of Health Sciences 2016 2024
- Burao Central University College 2025 2025 hal bil
- University College of Health Sciences – Burao 2025 March 2026
Magacyada kala duwan ee jaamacaddu soo martay waxay kala ahaayeen sida hoos k u xusan:
Magac badeladani waxay ka yimaaddeen maamulka kuliyad jaamacadeeda, kuwaas oo codsiyo u gudbinayey Komishinka Tacliinta Sare si loogu sameeyo magac-beddel.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku kama warqabin, lagala manatashan magac-beddelladii kala duwanaa ee dhacay. Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay weli aqoonsan tahay magaca hore ee ahaa Burao Institute of Health Sciences, si la mid ah xarumaha kale ee ay wasaaraddu maamusho sida ka Hargeysa kaas oo hoos taga Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka si waafaqsan Xeer kala xadaynta Xukuumada Xeer 71/2025.
Qodobkiisa 39aad farqadiisa 5aad, sidoo kalena wasaaraddu waxay leedahay awoodda maamulka iyo magacaabista hoggaankooda sare madaama ay leedahay hirgalinta xarumahaas. Wasaaradu waxay sii saa kab maaliyadeed iyo shaqeele jamacadan iyo kuwa kale ee hostagaba.
Sidoo kale, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ma aqoonsana guddiyada sare ee lagu faafiyey warbaahinta (Board).
Komishanka Tacliinta Sare wuxuu masuul ka yahay nidaaminta, kormeerka iyo bixinta ruqsadaha jaamacadaha iyo ilaalinta tayada waxbarashada sare.
Dhanka kale, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxa ay masuul k a tahay maamulka kulliyadaha caafimaadka ay ka mid yihin kuwa Hargeysa iyo Burco sida xeerku u ogalyahay.
GO’AANNADA WADAJIRKA AH
Kadib wada-tashi iyo falanqayn, Komishinka Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Horumarinta
Caafimaadku waxay si wadajir ah u soo saareen go’aannadan soo socda:
1 . In Kuliyad jaamacaddani tahay jaamacad dawladeed oo uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
2 . In Komishinka Tacliinta Sare aqoonsanyahay oo ruqsad siiyey kuliyad jaamacadda isla marka magaca u dambeyey ee u diwangashan uu yahay Kuliyad Jamacadeeda culuumta caafimaadka ee Burco (University College of Health Sciences – Burao)
3 . In isbeddellada maamul ee dhacay aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin habsami u socodka waxbarashada jaamacadda iyo ardayda wax ka barata.
- Maaddaama ay dhaceen magac-beddello kala duwan, Komishinka Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay s i wadajir ah iskula waafaqeen in uu magaca kuliyad jamacadeedu yahay kaas u dambeyey ee diwangashan (University College of Health Sciences – Burao).
5 . Komishinka Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay qirayaan in Fadumo Cismaan Axmed ay tahay muwaadinad si weyn ugu soo shaqaysay qaranka, door muhiim ahna ka qaadatay horumarinta jaamacadda, gaadhsiisayna heer wanaagsan. Maaddaama ay tahay shagaale ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, wasaaraddu waxay diyaar u tahay in loo igmado shaqo kale oo ku habboon khibraddeeda iyo aqoonteeda.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka waxa wada-jir ugu saxeexan Prof: Hassan Omer Halas, Gudoomiyaha Guddida tacliinta sare ee qaranka Somaliland iyo Md Hussein Bashir Hirsi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.
Somalilandpost.news


