Xarunta lagu dabiibo dadka qaba xanuunka dhimirka ee Sahan Mental Hospital ayaa maanta lagu soo gebagabeeyey tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay kooxo laga soo dhex-xulay dadka ku jira xarunta, si loo dhiirrigeliyo caafimaadka maskaxda iyo isdhexgalka bulshada.
Tartankan oo socday muddada bisha Ramadan ayaa waxaa ka qayb galay dhowr kooxood oo ka koobnaa dadka ku jira xarunta, kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay intii tartanku socday. Ujeeddada tartanka ayaa ahayd in dadka ku jira xarunta lagu dhiirrigeliyo jimicsiga iyo madadaalada oo ka qayb qaata soo kabashada caafimaadkooda.
Munaasibadda lagu soo xidhayey tartanka ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socotay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, maamulka sare ee Sahan Mental Hospital iyo Bahda Ciyaaraha oo ay mid yihiin Cabdikariim Guji iyo Khaalid Jaylaani.
Guddoomiyaha Sahan Mental Hospital Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasibadda ka hadlay, ayaa iftiimiyey muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin caafimaadka maskaxda, isaga oo xusay in jimicsiga iyo ciyaaruhu ay qayb weyn ka qaataan soo kabashada iyo dhiirrigelinta dadka qaba xanuunnada dhimirka.
Sidoo kale, Agaasimaha Xarunta Sahan Keyse Xasan Cumar, ayaa sheegay in xaruntu ay mar walba ku dadaalayso in bukaannada loo sameeyo barnaamijyo kor u qaadaya caafimaadkooda jidheed iyo maskaxeed, isla markaana ay ciyaaruhu ka mid yihiin hababka ugu waxtarka badan ee lagu taageero bukaannada.
Dhankiisa, Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha, Khadar Xaaji, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey maamulka xarunta Sahan, isaga oo xusay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay diyaar u tahay inay taageerto barnaamijyada ciyaaraha ee ka qayb qaata horumarinta bulshada iyo caafimaadka.
Gabagabadii tartanka, waxaa halkaasi koobka lagu gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay tartanka, iyadoo sidoo kale la dhiirrigeliyey kooxihii kale ee ka qayb galay.
‘
Maamulka Sahan Mental Hospital waxa uu uga mahadceliyey dhammaan masuuliyiintii iyo martidii ka qayb gashay munaasibadda, iyaga oo xusay in ay sii wadi doonaan barnaamijyada noocan oo kale ah ee kor u qaadaya daryeelka iyo soo kabashada dadka qaba xanuunnada dhimirka.
Xarunta SAHAN Mental Hospital oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, ayaa lagu daryeelaa Dadka qaba xanuunnada dhimirka, iyadoo looga yimaaddo dalal badan oo Bariga Afrika iyo Caalamka intiisa kale ah, waxaana Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka, Laydhka iyo Barashada Qur’aanka Kariimka ah.
Somalilandpost.news
kadarkarie@somalilandpost.news
Hargeysa, Somaliland

