HomeQalinka AqoonyahankaYaa dhisay Jidka Beledweyne ilaa Burco?

Yaa dhisay Jidka Beledweyne ilaa Burco?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaa jira dood badan oo ku saabsan cidda dhistay jidka dheer ee isku xira Beledweyne iyo Burco, iyadoo dad badan ay amaan u jeediyaan xukuumaddii Siyaad Barre.

Haddaba, iyada oo ay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ay jiraan taariikho badan oo mararka qaar la dhalan gediyey ama la kala dhacay—waa tii Abwaan kii yidhi: “Taariikhda guurtay ee sidii geel la kala qaaday”—ayaa waxaa habboon in arrintan la iftiimiyo.

Haddaba marka hore jidka oo dhererkiisu yahay 962km -400km  Somaliland 562km na Somalia – cidi iskuma hayso in wadada Shiinuhu dhisay, balse su’aashu waxay tahay: sidee ayay ku timid?

Xaqiiqadu waxay tahay in mashruuca jidkan la saxeexay 1969-kii, xilligii ay jirtay dawladdii rayidka ahayd ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ka hor afgambigii militariga ee Oktoobar 1969.

Doorka Dawladdii Rayidka ahayd (1967–1969)

Xilligaa, Soomaaliya waxay lahayd siyaasad diblomaasiyadeed oo cad oo weliba firfircoon, gaar ahaan xidhiidhka ay la lahayd Shiinaha (PRC). Dawladdu waxay si xooggan ugu ololaynaysay in:

Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha (PRC) lagu soo daro Qaramada Midoobay

Kursiga Shiinahana laga wareejiyo Taiwan, oo ay u guureen madaxdii China ee laga adkaaday 1949-kii, loona aqoonsado Beijing.

Arrintan waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii xilligaas, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Khudbaddii Qaramada Midoobay – 7 Oktoobar 1969

Intii lagu jiray kalfadhigii 24-aad ee Golaha Guud ee QM (New York), Cigaal wuxuu jeediyay khudbad muhiim ah oo Shiinihuna uu aad ugu riyaaqay:

Wuxuu dhaliilay nidaamka QM ee aan dhammaan dawladaha ku darin (principle of universality)

Wuxuu yidhii: “We cannot ask a state to respect our authority when we exclude that state from participation in our decision-making machinery.”

Wuxuu si cad u taageeray in PRC lagu soo daro QM. Ugu dambayn, arrintani waxay rumoowday 1971.

Xidhiidhka Shiinaha iyo Mashruuca Jidka

Taageerada Soomaaliya ee Shiinaha waxaa qayb ka ahayd:

  • Xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah
  • Helidda mashaariic horumarineed (infrastructure)
  • Mashruuca jidka Beledweyne–Burco wuxuu ka mid ahaa mashaariicdaas lagu heshiiyay xilligaas.

Doorka Xukuumaddii Siyaad Barre

Kadib afgambigii 1969, 1972 kii ayuu Siyaad Barre booqday China. Iyada oo loo tixgelinayo abaalkii Soomaalidu u gashay China, si weyn ayaa loo soo dhaweeyey Barre iyo weftigiisii. Siyaad oo xiiso u qabay nidaamka hanti-wadaagga, wuxuu madaxdii China kala hadlay sidii China iyo Midawgii Soofiyeeti la isugu soo dhoweyn lahaa. Sida ay sheegeen wasiiradii la socday, Ra’iisul Wasaarihii China ee xilligaas Zhou Enlai ayaa ugu jawaabay: “Madaxweyne, arrimahaasu waa kuwo sal ballaaran; wixii danihiina ah ka hadla.”

Khilaafka Shiinaha iyo Midawgii Soofiyeeti

Xilligaa Midawgii Soofiyeeti iyo China waxaa ka dhexeeyey khilaafyo is dul saaran, waxaana laga soo qaadan karaa saddex arrimood:

  • Ta koowaad, waxay si weyn ugu kala aragti duwanaadeen sida loo turjumayo nidaamka shuuciyadda Marxism-ka oo ay labada dal qaateen. Gaar ahaan hoggaamiyihii China ee awooda badnaa Mao Zedong wuxuu si adag ugu doodi jiray in USSR ay kharibayaan mabda’a Marxism-ka. Laakiin khilaafku intaas wuu ka qoto dheeraa, waxaana si hoose la isugu hayey cidda hoggaaminaysa bahweynta shuuciyada adduunka.
  • Qodobka labaad, wuxuu ahaa khilaafyo dhinaca xuduudaha ah oo mararka qaar isku dhac dagaal keeni jiray, sida dagaalkii jasiiradda Zhenbao Island.
  • Qodobka saddexaad, China iyo Hindiya oo xuduudaha ku dagaalamay 1962-kii, gaar ahaan qayb ka mid ah Kashmir (Aksai Chin) oo China xoog kula wareegtay, iyo gobolka Arunachal Pradesh ee Hindiya oo China u taqaano Koonfurta Tibet, khilaafkeeduna weli wuu taagan yahay.

Soviet-ku wuxuu Hindiya ula saftay si xoogleh, waxaan uu siiyey taageero milatari iyo mid siyaasadeed, si weyn ayuuna uga hiiliyay China, taasina waxay sii kordhisay khilaafkii China iyo Midawgii Soofiyeeti.

Dadkii xidhiidhka caalamiga ah ku xeel dheeraa ee wakhtigaasi, khilaafkaa xooggan ee China iyo Soofiyeetka waxay ku tilmaameen in loolankii Dagaalkii Qaboobaa uu noqday mid saddex geesood ah (tripolar), halkii uu ka ahaa laba dhinac (bipolar).

China iyo Maraykan ayaa isku soo dhowaaday. Madaxweynihii Maraykanka Richard Nixon ayaa 1972 kii booqday China—taariikh ahaan markii ugu horraysay ee madaxweyne Maraykan ah booqdo China. Labaduba waxay u arkayeen in cadawgooda weyn uu yahay Soofiyeetka.

China sidoo kale faa’iido kale ayuu ka helay, oo ah inuu si weyn dunida ugu soo dhex galay markii indhihii reer galbeedku ay ka jeesteen ama ay soo dhoweeyeen.

Arrimahaa iyo kuwo kaleba oo dhex yaallay labadaa quwadood ayuu Siyaad Barre, oo sanadkaa kii horeeyey (1971), ku dhawaaqay hanti-wadaag cilmi ku dhisan oo shuuciyadda u jibaysan, uu ku daray ajandihiisa—heshiiska China–USSR—iyadoo laga duulayo in bahweynta shuucigu ay yihiin walaalo.

Laakiin markii lagu yidhi “dan ka hadal saaxiib”, wuxuu u baydhay mashaariicdii hore loogu heshiiyey, sida wadadii Beledweyne–Burco iyo mashaariic kale oo cusub, iyo weliba isfaham siyaasadeed oo balaadhan. .

Sidaa darteed mashruucaasi waa Cigaal iyo Sharma’ake Allah haw naxariisto sadexdaba’e.

 

Waxa Qoray Cali Xasan Maxamed
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories