HomeSomali NewsXukuumadda Somaliland Oo faahfaahisay Xogta Kooxo Argagixiso ah oo Ku Sugan Laascaanood

Xukuumadda Somaliland Oo faahfaahisay Xogta Kooxo Argagixiso ah oo Ku Sugan Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay magaalada Laascaanood ku soo qul-qulayaan kooxaha argagixisada ah ee ka hawl-gala gobollada Soomaaliya, waxaanay faahfaahin ka bixiyey tirade iyo meelaha ay ka kala yimaaddeen kooxahaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamkaba u caddeynayso inay Magaalada Laascaanood ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah oo kala yimi Gobollada Dhexe ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inay tirade ugu badan ee Kooxaha Argagixisada ahi soo galbeen Magaalada Laascaanood wixii ka dambeeyey 25-kii August oo ahay maalintii ay Ciidamadaa Qaranku ka soo baxeen fadhiisimadooda Bariga Gobolka Sool.

Kooxaha Xagjirka ah ee ku sugan Laascaanood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, ayay wasaaradda Arrimaha Guduhu ku sheegtay inay ka kooban yihiin qaar ka yimi gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ka soo firdhaday dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya, kuwo fadhiisinkoodu yahay Buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland iyo kuwo ka soo baxay xeryo tabobar oo ku yaalla Buuhoodle.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa u qornaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood.

Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August.

Hadaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika.

1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish.

2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Soomaaliya.

3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle. Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu  ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab.

Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey  ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories