HomeSomali News“Waxannu Ku War-Gelinaynaa Dawladda Somaliland In Haddii Aay Difaaci Waydo Magaca Sanaag...

“Waxannu Ku War-Gelinaynaa Dawladda Somaliland In Haddii Aay Difaaci Waydo Magaca Sanaag In Dadka Reer Sanaag Aay Ku Qasban Yihiin In Aay Difaacaan Magacooda Wax Kasta Oo Aay Ku Qaadato”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu baaxadda wayn Somaliland waxana uu ku dhaw yahay bed ahaan sadex moolood oo meel dhulka Somaliland oo dhan. Waa qayb muhiim ah oo ka tirsan Somaliland. Waxa ku yaal dhulka ugu magaca dheer uguna muuqa quruxda badan Somaliland. Sanaag waa goobta aay ka soo isirmeen dadka Soomalida ah oo dhan. Waa hooyada iyo aabaha Somaliland. Somaliland na ma jiri karto Sanaag la’aanteed, Sanaag na ma jiri karto Somaliland la’aanteed.  Waa laba aan lakala saari karin Sanaag iyo Somaliland. Sanaag waxa aay qayb libaax ka soo qaadatay halgankii lagu xoreeyey Somaliland. Waa meeshii u danbaysay ee ciidamadii faqashtu isku urursadeen wixii aay cudud hayeenna isugu geeyeen, balse dadka reer Sanaag waxa aay awood u yeesheen inaay jebiyaan ciidamadii faqashata.

Sanaag waxa dhib wayni ka soo gaadhay dawladii faqashta oo si wayn u xasuuqday dadka iyada oo aanu gobolkaasi la deris ahayn Ethiopia oo aanu helin dadkiisu meel aay u qaxaan. Dadka reer Sanaag waxa weli ka sii muuqda diiftii dawladii faqashta uman dul qaadan karaan wax ka oo horjeeda midnimada Somaliland.

Tan iyo markii la aasaasay Puntland, Sanaag waxa lagu soo qaaday weerar marar kala duwan, iyada oo Puntland sheegatay qayb ka mid ah Sanaag.  Waxa sidoo kale sanadihii u danbeeyey sheegtay magaca Sanaag koox fidmo wadayaal ah oo la baxday SSC. Kooxdaasi waxa aay wax wayn u gaysatay magacii iyo sharaftii Sanaag. Dadka reer Sanaag waxa aay gardarooyinkaas isdaba jooga ah ugu dul qaateen in aay dhawraan dawladnimada Somaliland oo aay u daayaan in dawladu difaacdo.

Maalmihii u danbeeyey waxa tuulada Taleex ku soo shubmayey dad badan oo u socday ka qayb galka shir aay soo abaabuleen kooxda SSC. Hadaba dadka reer Sanaag waxa aanay sinaba u aqbali karin in koox tiro yar oo magacooda sheegataa aay sumacadda Gobolka dhulka jiido. Waxana ka go’an dadka reer Sanaag in aay difaacaan midnimada Somaliland iyo magaca gobolka Sanaag.

Waxannu ku war-gelinaynaa dawladda Somaliland in hadii aay difaaci waydo magaca Sanaag in dadka reer Sanaag aay ku qasban yihiin in aay difaacaan magacooda wax kasta oo aay ku qaadato.

Waxannu halkan ku cadaynaynaa in maanta aanan u dulqaadan karin wax kasta oo ka soo baxa shirka Taleex oo ka soo horjeeda Somaliland. Waana in dawladda Somaliland qaado talaabo deg deg ah oo ku wajahan shirka Taleex. Hadaba shirka laga furay Taleex waxa aan shaki ku jirin in uu abuurayo colaad hor leh oo uu  dhex dhigo dadka Reer Sanaag. Dadka reer Sanaag  ee u fekeraya si midnimo ku jirtaana waxa aay ka soo horjeedaan wax kasta oo wiiqaya nabad gelyada, deris wanaagga aay ku wada nool yihiin dhamaan dadka ku abtirsada gobaalkaas.

Magacyada dadka war-murtiyeedkan soo saaray:

  1. Guuleed Ahmed Dafac
  2. Hussein Biixi
  3. Yuusuf  Khaliif Axmed
  4. Cumar Jaamac Warsame
  5. Farduus X. Jaamac Ismaaciil
  6. Faadumo Axmed Ciise
  7. Jaamac Axmed Jaamac
  8. Cali Ismaacil
  9. Maxamuud Axmed Ciise
  10. Siciid Yuusuf Ducaale

Contact:

Hussein_biixi@hotmail.com

Dafac02@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories