Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka U Gudbisay Magacyada Dhalinyaro U Af-duuban Somalia

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka hadlay Lix dhalinyaro u dhashay Somaliland oo Dawladda Soomaaliya ay Muqdisho ku xidhay isla markaana la sheegay in lagu jidh-dilay.

Wasiir Ciise Keyd ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter) wuxuu ku caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socotay xadhig iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’ado dawladeed.

Waxaanu iftiimiyay in xukuumadda JSL ay ugu baaqday beesha caalamka iyo Hay’adaha xuquuqul insaanku ay degdeg u faro-geliyaan dhacdadan isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo lixdaas qof, oo uu tilmaamay in soo sheegay in la jidh dilay.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu intaas ku daray in ay dhallinyaradani xidhnaayeen illaa 15kii Feberwari iyadoo aan loo haynin wax lagu xukumo.

Dhallinyarada Muqdisho ku xidhan oo u kala  shaqeeya Hay’adaha ICAO iyo WFP, ayuu Wasiirku magacyadooda ku kala sheegay:-

  1. Mubaarik Nuur Cali (ICAO).
  2. Nuuradiin Ileeye (ICAO).
  3. C/Raxmaan Cabdilaahi (ICAO).
  4. Khaliif Salaf (ICAO).
  5. Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).
  6. Almis Saleebaan (WFP)

Dawladda Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku khasbaysa inay qirtaan Cabdinaasir Dahable oo ay Muqdisho si arxan darro ah ugu dishay Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

Peter Harris: Somaliland Is the Strategic Ally Trump Needs Now

Peter Harris, writing in the Washington Examiner, argues that Somaliland could be a strategic ally for President Donald Trump as debate over US recognition continues.
- Advertisement -

More Articles Like This