HomeWasiirka Horumarinta Maaliyadda oo Daah-furay Adeeg lagu soo kordhiyey Nidaamka Cashuur-bixinta Casriga...

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo Daah-furay Adeeg lagu soo kordhiyey Nidaamka Cashuur-bixinta Casriga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa daah-furay adeeg dhanka cashuur bixinta ah oo ay iska kaashadeen wasaaradda maaliyadda iyo shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL oo adeeggeeda Edahab la isticmaalayo.

Munaasibada lagu daah-furaayay adeegga E-Dahab ee cashuur-bixinta ayaa ah mid loogu talo galay in ganacsatada loogu fududeeyo inay cashuurta ku bixin karaan si sahlan, iyagoo adeegsanaaya barnaamijka E-Dahab ee shirkada SOMTEL.

blankShaacinta barnaamijkaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda maaliyadda, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, hawlwadeena waaxda cashuuraha beriga ee wasaaraddaasi, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, xoghayaha guud ee rugta ganacsiga iyo masuuliyiin ka socday shirkada isgaadhsiinta ee SOMTEL.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkaasi qayb ka yahay dedaalada wasaaradda maaliyadda ee dhanka horumarinta bixinta cashuuraha, waxaanu intaas ku daray in wasaaraddu talaabadan u qaaday si dadka cashuurbixiyeyaasha ahi ay si sahlan iskaga bixin karaan cashuuraha ku waajibay.

Gudoomiyaha shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Daa’uud iyo madaxa suuq-haynta ee shirkaddaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddu wasaaradda maaliyadda kala shaqayn doonto sidii loo fududayn lahaa loona horumarin lahaa bixinta cashuuraha, addeegaasina yahay mid shirkaddu xil weyn iska saari doonto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, xoghayaha guud ee rugta ganacsiga iyo agaasimaha waaxda cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijkaas ku saabsan fudaynta cashuur-bixinta.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si rasmi ah u daah-furay adeegaas E-dahab ee cashuur-bixinta wuxuuna sheegay in arrintaas qayb ka tahay xoojinta cashuur-qaadista iyo tayeynta qaababka kala duwan ee muwaadiniintu ay u bixin karaan cashuuraha ku waajibay, waxaanu wasiir Sacad intaas ku daray in barnaamijkaas yahay mid wasaaraddu ku dedaali doonto sidii uu u noqon lahaa mid ay cashuuraha ku bixiyaan muwaadiniintu iyagoo guryahooda iyo goobohooda shaqo ku sugan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories