HomeSomali NewsSomalilandHargeysa: Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo...

Hargeysa: Wasiir ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

\Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta Hargeysa ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaraddii Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-ga ee Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Marxuum Aadan Axmed Warsame, waxaana geerida marxuumka ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, ayaa lagu sheegay inuu marxuumku ahaa siyaasi door muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiskii dalka, waxaanu madaxweynuhu tacsi u diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabkii uu marxuumku ka geeriyooday.

blank
Marxuum Aadan Axmed Warsame

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee xukuumaddii madaxweyne Silaanyo oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 06/01/2020, magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweyuhu u diray qoyska, ehelka iyo qaraabada Marxuumku ka baxay.

Allah ha u naxariistee Marxuum Aadan Axmed Warsame oo madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha sannadkii 2013-dii, ayaa xilka wasaaraddaas lagaga qaaday wareegto uu madaxweynuhu soo saaray bishii June ee sannadkii 2014-tii

Marxuum Aadan Axmed Warsame oo ka hadlayey munaasibad uu xilka wasaaraddaas ugu wareejinayey wasiirkii xilligaas loo soo magacaabay oo ahaa Cali Xaamud Jibriil, waxa uu munaasibadda ka sheegay inaanu wax war ah ka haynin markii hore ee loo soo magacaabayey xilka wasaaraddaas iyo markii dambe ee xilka laga qaadayey.

“Markii Xilka la ii dhiibayay waxaa la ii sheegay oo la iigu bushaareeyay Labadii anigoo Gurigayga hurda, markii dambe ee la iga qaadayna anigoo Labadii hurda ayaa la ii soo sheegay, markaa Mucjisooyinkaasi ayuu lahaa xilkaygu,” sidaas ayuu yidhi Allah haw naxariistee Marxuum Aadan Axmed Warsame oo xilligaas ka hadlayey munaasibaddii uu xilka ku wareejinayey.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories