Wasaaradda Waxbarashada Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Waqtiga Uu Bilaabmi Doono Imtixaanka Shahaadiga Ah

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga la gali doono imtixaanaadka fasalada siddeedaad iyo fasalka afraad ee dugsiyada sare.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo madaxa xafiiksa imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaraddaas ayaa sheegay xilliga la bilaabo doono imtixaanaadka fasalada siddeedaad iyo afraad ee dugsiyada sare. Sidoo kale waxay sheegeen masuuliyiintani tirade ardayda ka qaybgalaysa imtixaanaadka sannadkan.

“14 kun oo arday ayaa u fadhiisanaya sannadkan imtixaanka dugsiyada dhexe iyo 9300 oo ah dugsiyada sare, marka loo eego sannadkii hore ilaa saddex kun ku dhawaad ayaa ku kordhay sannadkan. Waxa kale oo taas dheer oo jira meelo badan oo iskuulo badani kusoo kordheen.” ayuu yidhi madaxa imtixaanaadka qaranka Somaliland Daauud Axmed Faarax.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta oo isaguna ka hadlay xilliga uu si rasmi ah u bilaabmi doono imtixaanka shahaadiga ahi, waxaanu yidhi. “Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka siddeedaad iyo afraad ee dugsiyada sare waxa uu bilaabmi doonaa todobada bisha lixaad oo ku beegan maalinta axadda, ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa waxaan u rajaynayaa inay guulaystaan, waxaan macalimiinta iyo cidkasta oo imtixaanka ilaalintiisa ku shaqo leh, inay dedaal wayn ay muujiyaan, nabadgelyadana ay si fiican loo dhawro.”

Somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

Peter Harris: Somaliland Is the Strategic Ally Trump Needs Now

Peter Harris, writing in the Washington Examiner, argues that Somaliland could be a strategic ally for President Donald Trump as debate over US recognition continues.
- Advertisement -

More Articles Like This