HomeSomali NewsWarbixin Soo Bandhigtay Caqabado Hor Leh Oo Dowladda Maraykanka Ku Kallifaya Aqoonsiga Somaliland...

Warbixin Soo Bandhigtay Caqabado Hor Leh Oo Dowladda Maraykanka Ku Kallifaya Aqoonsiga Somaliland Oo Khamiista Lagaga Tashanayo Washington

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xidhiidh cusub oo u furmay xoogagga Xuutiyiinta dalka Yemen iyo Kooxda Al-Shabaab, ayaa laga cabsi qabaa inuu caqabad hor leh ku keeno Isu-socodka maraakiibta isaga kala goosha marinnada Biyaha ee gobolka Bariga Dhexe, sida lagu sheegay warbixin cusub oo diiradda lagu saaray halista kooxaha argagixisada ee Caalamka.

Kooxda ugu halista badan ururrada Xag-jirka ah ee qaaradda Afrika, ayaa la filayaa inay ku sii xoogeysato Soomaaliya, waxaanay tani kor sii kordhinaysaa cabsida laga qabo khatarta dhinaca amniga ee ku iman karta marinada Bariga Dhexe ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga,  sida ay ka digtay warbixintan cusub oo lagu daabacay Warbaahinta Stars and Stripes oo ah ilo-wareedka ugu weyn wararka Militariga dalka Maraykanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato isbaheysiga cusub ee ay la yeesheen maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen, waxaanu xidhiidhkani u suurto-galin karaa Al-Shabaab inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama gantaalo ku weeraraan maraakiibta Ganacsiga, sida lagu sheegay qiimeyn ka hadlaysa khatarta argagixisada caalamiga ah oo ay sameysay Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah.

Warbixinta oo la daabacay Jimcihii shalay ayaa Al-Shabaab ku tilmaantay dawlad jirta oo halis ku ah danaha Maraykanka isla markaana ay u badan tahay inay sii korodho sannadkan 2025-ka.

Iyadoo soo xiganaysa hoggaamiye sare oo ka tirsan isbaheysiga la dagaalama Xuutiyiinta ee loo yaqaano National Resistance Front, warbixintu waxay sheegtay in kooxdu ay damacsan tahay sidii ay dagaalyahanada Al-Shabaab u siin lahaayeen hub casri ah si ay awood ugu yeeshaan in ay beegsadaan maraakiibta isaga kala goosha gacanka cadmeed. “Xuutiyiintu waxay Al-shabaab siin karaan, haddaanay horeba u siin jirin, qaybo ka mid ah hubka ay ka hesho dowladaha taageera,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta.

In ka badan muddo sannad ah, maraakiibta dagaalka ee Mareykanka waxa ay dagaal kula jira Xuutiyiinta oo taageero ka hela dowladda Iran, si ay u joojiyaan weerarada ay ku qaadaan maraakiibta ganacsiga. Maleeshiyaadka Xuutiyiin ayaa Bilaabay inay noocyo kala duwan oo hub ah la beegsaday maraakiib ganacsi iyo kuwa militari oo marayay Badda Cas waxyar kaddib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil bishii Oktoobar 2023 xilligaas oo uu bilaabmay dagaalka xilligan ka socda Gaza. Xuutiyiinta oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta, waxa ay nidar ku mareen in ay beegsanayaan maraakiibta Xidhiidhka la leh Israa’iil ama xulafadeeda, gaar ahaan Maraykanka, in kasta oo qaar badan oo ka mid ah maraakiibta la weeraray aanay wax lug ah ku lahayn lahayn dagaalka. Haddii Al-shabaab soo gasho, waxa ay gaas ku sii shubaysa xiisadda cakiran ee lagu soo xoraynayo marinka muhiimka ah ee Baabul-mandab oo isku xidha Maraakiibta isaga kala gooshaysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Caddaymaha muujinaya xidhiidhka dhow ee u dhexeeya kooxda Soomaalida iyo Xuutiyiinta ayaa laga yaabaa in la soo bandhigo Khamiista toddobaadkan Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Gen. Michael Langley uu hortagi doono Guddiga Hubka ee Aqalka Odayaasha Maraykanka.

Hawl-gallada Militari ee Taliska Africom ka-hortago halista Kooxda Al-Shabaab ayaa sannadihii u dambeeyey noqday dedaallada ugu weyn ee ay ciidamada Marakanku ka wadaan qaaradda Afrika.

Kooxda Al-shabaab oo la sheegay inay xidhiidh la leedahay Al-Qaacida, ayaa labaatankii sanno ee u dambeeyey ka dagaalamayey Gudaha Somalia si ay u hirgeliyaan dowlad Islaami ah, inkasta oo kooxdu adkeysi u yeelatay Olole ka dhan ah oo ay kala kulantay Gudaha dalka.

AFRICOM waxa ay qaaday weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaanay ciidamo gaar ah u dirtay Gudaha si ay ula taliyaan, tabobarre-na u siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dadaallada noocan ahi ma keenin isbeddelkii loo baahnaa, sida lagu sheegay warbixinta CSIS.

Sida ay warbixintu sheegtay Kooxda Al-Shabaab ayaa haysta inta u dhexeysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalyahan, waxaana ay maamulaan dhul ballaadhan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ururka uu soo galo dakhli ka badan 100-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo ku soo gasha habab kala duwan oo ay ka mid tahay canshuuraha, iyadoo sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Al-shabaab haysato dhaqaale ku filan inay dhaqaale ku taageeraan kooxaha kale ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa ay warbixinta xustay in ololaha duqeymaha cirka ee Mareykanka oo muddooyinkii dambe la libin-laabay ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, marka la barbardhigo sannadihii hore markii kooxdu ay xoojisay weerarrada ka dhanka ah danaha Mareykanka ee ay kaga jawaabayso weerarrada cirka ee diyaaradaha Mareykanku fuliyaan. Tusaale ahaan, sannadkii 2020-kii, Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ciidan oo ku taalla Kenya, halkaas oo ay ku dishay hal askari oo Maraykan ah iyo laba qandaraasle, xilligaas oo weerarrada aan diyaaraha aan duuliyaha lahayni ay heerkoodii ugu sarreeyay gaadheen.

“Waxa ay u badan tahay inay cadaawaddd labada dhinac kordhi doonto haddii madaxweyne Donald Trump uu dib u bilaabo Olole ballaadhan oo ka dhan ah kooxda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta laguma soo sheegin talo iyo tusaale muuqda oo lagu hagaajin karo xaaladda amniga Soomaaliya ama lagu wiiqi karo Awoodda kooxda Al-Shabaab, waxase lagu sheegay kaliya in loo baahan yahay tallaabooyin kala duwan oo la qaadi karo sida kaalmada militariga iyo kordhinta taageerada diblomaasiyadeed iyo maaliyadeed ee la siiyo dowladda taagta daaran ee Soomaaliya.

Gebo-gabadii, waxa ay warbixinta walaac ka muujisay saamaynta ay mustaqbalka yeelan karto Al-shabaab oo lagu tilmaamay inay u muuqato koox mustaqbalka laga fili karo khatar ka badan waxyeellada ay immika geysan karto.

Si kasta ha ahaatee, warbixintan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalka Maraykanka ka socdaan Dhaq-dhaqaaqyo dublomaasiyeed oo loogu ololaynayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhaq-dhaqaaqyadan waxa hormuud u ah dowladda Imaaraadka Carabta oo ku hawlan dedaallo ay dowladda Maraykanka  danahiisa gobolka geeska Afrika uga dhex tusayso sidii uu saldhig Militari oo uu ku xakameeyo samaynta sii kordhaysa ee Xuutiyiinta iyo kooxaha xagjirka ah uga samayn lahaa magaalo-xeebeedka Berbera, taas beddelkeedana uu aqoonsada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalka Isu-tagga Jmaaraadka Carabta ayaa xubin ka ah isbahaysiga Dagaalka kula jira xoogagga Xuutiiiinta Yemen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories