HomeSomali NewsSomaliaTurkiga iyo Soomaaliya oo kala Saxeexday Heshiis Shidaal-baadhis ah

Turkiga iyo Soomaaliya oo kala Saxeexday Heshiis Shidaal-baadhis ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost) – Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Khamiista maanta kala saxeexday heshiis shidaal-baadhis iyo qodis ah, kaas oo ujeeddadiisa lagu sheegay sii xoojinta xidhiidhka labada dal ka dib markii ay bishii hore wada-galeen heshiis dhinaca difaaca ah.

Heshiiska ayaa suurta-galinaya in Dowladda Turkigu baadhitaan ku samayso kaydka shidaalka ku jira biyaha badda ee Soomaaliya oo aan wax baadhitaan ah lagu samaynin tan markii uu burburay nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya horaantii 1990-maadkii.

Heshiiska oo sidoo kale uu ku jiro sahaminta Shidaalka dhulka, waxa magaalada Istanbul ku saxeexay Wasiirka Tamarta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Talaabadan labada waddan xoojiyeen Xidhiidhka ka dhexeeya ayaa ka dambaysay ka dib markii Dowladda Itoobiya heshiis is-afgarad la gashay Jamhuuriyadda Somaliland bishii January, waxaanu heshiishkani Xukuumadda Addis Ababa u oggolaanayaa inay hesho saldhig ciidamadeeda baddu ka hawl-galaan, halka Somaliland fursad u helayso inay Ethiopia noqoto dalkii u horreeyey ee Aqoonsada madax-bannaanideeda.

blank
Markabka Shidaalka Lagu Baadho ee Turkey

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa qayla-dhaan Soomaaliya u dirsatay, ayaa bishii hore Xukuumadda Muqdisho la gashay heshiis dhameystiran oo difaaca badda ah, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo Dowladda Turkiga ku waajibinaysa inay biyaha badda Soomaaliya ka difaacdo argagixisada, budhcad-badeedda iyo khatar kasta oo dibadda kaga timaadda muddo 10 sanno ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu awood u siinayo Turkiga inuu ganacsi ahaan uga faa’idaysto kheyraadka badda Soomaaliya, taasoo ka dhigan inay Xukuumadda Ankara dowladaha shisheeye heshiis kula gali karto inay ka kalluumaystaan biyaha badda ee Soomaaliya.

Somalilandpost.news
contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories