HomeQalinka AqoonyahankaToogashada Dhabarka: Dil Sharaf-darro ah iyo Cawaaqibteeda Ciidan

Toogashada Dhabarka: Dil Sharaf-darro ah iyo Cawaaqibteeda Ciidan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

𝑸𝒐𝒅𝒐𝒃𝒌𝒂 25𝒂𝒂𝒅 𝒆𝒆 𝑿𝒆𝒆𝒓𝒌𝒂 𝑪𝒊𝒒𝒂𝒂𝒃𝒕𝒂 𝑴𝒊𝒍𝒂𝒕𝒂𝒓𝒊𝒈𝒂 waxa uu si qoto dheer u qeexayaa xukunka dilka ee ciidamada qalabka sida, isagoo muujinaya sida ay ciidamada ugu dheggan yihiin nidaamka, sharciga, iyo anshaxa ciidan. Xukunka dilka waxa uu leeyahay laba nooc oo farriimo sharci, anshaxeed, iyo shucuur leh:

𝑻𝒐𝒐𝒈𝒂𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂 𝑳𝒂𝒂𝒃𝒕𝒂: Waxay astaan u tahay ixtiraam iyo fulinta xukun si insaani ah, iyadoo la dhowrayo sharafta qofka la xukumay.

𝑻𝒐𝒐𝒈𝒂𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂 𝑫𝒉𝒂𝒃𝒂𝒓𝒌𝒂: Waxay calaamad u tahay sharaf-dhac, ceebayn, iyo ka saarid sharafta bulshada iyo ciidamada.
Ciidamada qalabka sida waxay ku shaqeeyaan nidaam adag oo ku salaysan anshax, daacadnimo, iyo ilaalinta sumcadda ciidanka. Marka sarkaal ama askari milatari uu si xun ugu xadgudbo xeerarka iyo qiyamka ciidamada, ciqaabta ugu culus ee la marsiin karo waa xukun dil oo ay la socoto darajo ka-qaadis, taas oo lagu fuliyo 𝑡𝑜𝑜𝑔𝑎𝑠ℎ𝑜 𝑑ℎ𝑎𝑏𝑎𝑟𝑘𝑎 𝑎ℎ. Tani waa ciqaab aad u adag oo xambaarsan micno shucuur, anshaxeed, iyo sharciyeed oo qoto dheer.

𝐌𝐚𝐜𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐓𝐨𝐨𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚
Toogashada dhabarka ma aha oo kaliya fulinta xukun dil, balse waa calaamad sumcad dhac ah oo loogu talagalay ceebayn bulshada hortooda. Waxaa loo adeegsadaa si loo muujiyo in qofka la xukumay uu lumiyay kalsoonidii ciidanka, sumcaddii darajadiisa, iyo karaamadii uu bulshada ku dhex lahaa.
25𝒂𝒂𝒅 ee xeerka ciqaabta milatariga Somaliland waxa uu toogashada dhabarka u arkaa ciqaabta ugu xun xagga sharafta, taas oo si gaar ah loogu talagalay dembiyada culus sida khiyaano qaran, sir bixinta, iyo ka baxsiga waajibaadka dagaal.

𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐓𝐨𝐨𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐚𝐝𝐨

𝟏.𝐋𝐮𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐚𝐥𝐬𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚: Qofka dhabarka laga toogto waxaa loo arkaa mid khiyaamay ciidankiisa, jebiyay ballankii uu qaaday, kana baxay mabaadi’da milatari. Xukunka dhabarka waxa uu muujinayaa in qofkaasi aanu istaahilin in wejigiisa laga hor toogto oo aan loo tixgelin inuu ahaa askari sharaf leh.

𝟐.𝐂𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐚𝐝 𝐂𝐞𝐞𝐛𝐚𝐲𝐧 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧: Gudaha ciidamada, qofka dhabarka laga toogto waxaa loo arkaa cadow gudaha ah oo sumcad darradiisa la tusayo. Ceebtaasi waxay ka tarjumaysaa dambi culus sida khiyaano qaran, sir bixinta, ama falal kale oo dhaawacaya amniga qaranka.

𝟑.𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐲𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐚𝐫𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐢𝐧 𝐚𝐡:Toogashada dhabarka waxa ay ka baxsan tahay ciqaab keliya; waa cashar la barayo ciidamada kale si ay uga digtoonaadaan falalka lagu ciqaabo sharaf-dhaca. Waxay xoojisaa ilaalinta anshaxa ciidan iyo ixtiraamka xeerarka.

𝐂𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐀𝐧𝐬𝐡𝐚𝐱𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐓𝐨𝐨𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚

𝟏. 𝐂𝐞𝐞𝐛 𝐃𝐚𝐚’𝐢𝐦 𝐚𝐡:
Toogashada dhabarka ma aha oo kaliya dil, balse waa sumcad la’aan raacda qofka xitaa ka dib dhimashadiisa. Qoyska iyo ehelka qofka la xukumay waxa la soo derisa ceeb bulsho oo joogto ah, taas oo muujinaysa in falalkiisii la cambaareeyay.

𝟐.𝐂𝐚𝐬𝐡𝐚𝐫 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧:
Ciidamada kale ee goobta xukunka joogaa waxay markhaati ka noqdaan cawaaqibka khiyaanada, taas oo dhiirrigelisa ilaalinta shuruucda iyo anshaxa ciidamada.

𝟑.𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨:
Bulshada dhexdeeda, toogashada dhabarka waxay xoojisaa kalsoonida shacabka ee ciidamada, iyadoo muujinaysa in la ciqaabayo cid kasta oo daciifnimo iyo khiyaano ku kacda.

𝟒.𝐅𝐚𝐫𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐀𝐝𝐚𝐠:
Fulinta xukunka noocan ah waxay caddeynaysaa in aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, xitaa haddii qofka xukuman yahay sarkaal sare oo ciidan.

Ugu dambayntii Toogashada dhabarka waa ciqaab milatari oo xambaarsan shucuur iyo micno sharaf-dhac ah. Waxa ay leedahay cawaaqib bulsho, sharci, iyo anshaxeed oo dheer. Ciidamada qalabka sida ee Somaliland waxay u adeegsadaan ciqaabtan sidii digniin cad oo muujinaysa in ciidamada looga baahan yahay daacadnimo, xilkasnimo, iyo ilaalinta sharafta ciidan. Xukunka dhabarka waxa uu bulshada iyo ciidamada kale u yahay cashar xusuus leh oo muujinaya muhiimadda ay leedahay anshaxa iyo ilaalinta qaranka.

QALINKA:Gulaid Iidaan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories