HomeQalinka AqoonyahankaDariiqii Loo Maray Xalka Khilaaf Cakiran oo Sababay In Xaaladda Siyaaadeed ee...

Dariiqii Loo Maray Xalka Khilaaf Cakiran oo Sababay In Xaaladda Siyaaadeed ee Somaliland Cirka Isku Shareerto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Khilaaf cakiran oo u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda Somaliland ayaa abuuray in xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ay cirka isku shareerto 2007-Kii.

Si arrintaasi wax looga qabto ayaa Academiyadda Nabadda iyo Horumarinta ee Somaliland (APD) ay qaban qaabisay kulamo khilaafkaasi xal loogu raadinayo. Kulankii u horeeyey waxaanu ku lahayn Hotel Ambassador oo aanu balan kula lahayn shirgudoonka golaha wakiiladda oo kala ahaa:

  1. Dr Abdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ahaa gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland, haddana ah madaxweynaha Somaliland.
  2. Cabdicasiis Muxumed Samaale (Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye) oo ahaa Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiiladda iyo
  3. Baashe Maxamed Faarax oo ahaa Gudoomiye-ku-xigeenka 2aad, markii dambena noqday gudoomiyaha golaha wakiidda.

Inkasta oo xubnaha shir gudoonka ee aan kor ku xusay ay noogu yimaadeen balantii, hadddana shirkaasi sidii aanu filaynay muu noqon. Doodii iyo aragtiyihii shir gudoonku soo bandhigeen Xubnihii guddida ayaabu khilaaf hor leh ka dhex abuuri gaadhay.

Waxaanu istusnay inay muhiim tahay in kulan deg deg ah loogu tago madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Sidaas darteed ayaanu madaxweynaha uga codsanay inaanu la kulano caawa, madaxweyne Rayaalena wuu naga ogolaaday balantii. isla galinkii dambe ayaanu xafiiska Academiga (APD) isugu nimid intayaddii guddida ahayd si aanu ugu diyaar garawno kulanka Madaxweynaha. Wakhtigii balantu ahayd ayaanu madaxtooyadda tagnay.

Kulankaa waxaA madaxweynaha U tagay guddi kala ahaa:

  1. Mujaahid BoobeYuusuf Ducaale
  2. Prof Saleebaan Axmed Guuleed (Gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Camuud)
  3. Prof Maxamed Siciid Gees AHN).
  4. Dr Adam Yuusuf Abokor (AHN).
  5. Prof Xassan Cumar Halas ( Gudoomiyaha guddida tacliinta ee hadda)
  6. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).
  7. Jacfar Gaada-weyne
  8. Siciid (Ka tirsanaa APD, lataliyena mar ka ahaan jiray guddida doorashooyinka qaranka).
  9. Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo).

Markii aanu maddaxtooyadda galnay waxaanu albaabka ku kulanay Maxamed Xusseen Cismaan (Muadinka) oo ka soo daadagay dabaqa sare oo madaxweyne Rayaale fadhiyey. Bil amaara waa maalmihii Cabdilaahi Xussein Iimaan (Darawal) oo wakhti dheer ahaa wasiir aan dhicin uu is casiley ee wasaaradda caafimaadka loo magacaabi doono Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee KULMIYE.

Waxaanu u tagnay madaxweynihii oo kali ah oo na sugaya. Salaan, soo dhawayn iyo shaah la noo diyaariyey ka dib hawshii aanu u soconay ayaanu gudo galnay.

Wakhtigaa KULMIYE waxaa uu ahaa xisbi mucaarad ah oo adag. Guddiddii doorashooyinka qaranka ee la magacaabay ayaa golaha wakiiddu qaar u ansixin waayeen arrimo siyaasadeed dartood taasina waxay abuurtay khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxtooyadda iyo baarlamaanka, waana arrinta ugu wayn ee taagnayd.

Miisaaniyaddii golaha wasiiraddu ansixiyeen ayaa baarlamaanku wax ka badal ku sameeyeen una ansixiyeen si aan xukuumaddu raali ka ahayn taasina waxay sii hurisay khilaafkii jiray. Isla wakhtigaa waxaa xidhan oo xabsiga Mandheera loo taxaabay Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo ku dhawaaqay inay sameeyeen ururkii QARAN.

Guud ahaan jawiga siyaaadeed ee dalku waa xasaasi, bulshaduna dhagta ayay u taagayaan dhaq dhaqaaq kasta. Sidaas oo kale , jawi doorasho ayaa la isku diyaarinayey guud ahaan.

Waxaa hadalka bilaamay prof Saleebaan Axmed Guuleed oo ah gudoomiyaha jaamacadda Camuud oo madaxweyne Rayaale u sharaxay arrinta aanu ula socono…..

W/Q: Dr Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories