HomeQalinka AqoonyahankaMaxaa Aamusiiyey Xukuumadda Somaliland?

Maxaa Aamusiiyey Xukuumadda Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah warqad ugu diray dalka Mareykanka isagoo si indho la’aan ah ugu bandhigay in Mareykanku la wareego maamulka dekedda iyo garoonka Berbera – taas oo ka mid ah riyo maalmeedyada Villa-Somalia oo maamulkeedu ku kooban yahay magaalada Muqdisho oo kali ah.

Shacabka Somaliland wuu ka dharagsan yahay colaadda uu maamulka Muqdisho u hayo Somaliland waxase la yaab leh:
• Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo aan ka hadal arinkan ilaa imika.
• Madaxtooyada oo wax war ahi aanu ka soo bixin mar hadii warqaddu ka baxday xafiis Madaxwayne.
• Xisbiga Waddani, oo hoggaanka dalka haya, oo u muuqda in uu fasax galay ama uu door biday aamusnaan marka ay noqoto arimaha la xidhiidha Qaranimada Dalka.
Waxaa muuqata in xukuumadda cusubi aanay lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo la taaban karo, lagana la’yahay istaraatijiyad cad oo lagaga jawaabo weerarada siyaasadeed ee si joogto ah uga imaanaya Muqdisho.

Tusaale ahaan:

  • Marna lama arag xukuumadda oo ka jawaabaysa hadaladii gefka ahaa ee Somalia ku sheegtay in ay doonayso in safaaradda Itoobiya ee Hargeysa laga dhigo xafiis hoos yimaadda Muqdisho.
  • Muddadii Saddexda bilood ahayd ee xukuumaddu xilka haysay Wasaaradda Arimaha Dibadda wax jawaab kama ay bixin weerarrada Diblumaasiyadeed ee Muqdisho.
    Sidoo kale, Waddani iyo taageerayaashiisu waxay u muuqdaan kuwo arrimaha qaranka ka noqday daawadayaal aamusan.

Shacabka Somaliland waxa ay Iswaydiinayaan:

  • Xaggee buu ku danbeeyay Wasiirka Arrimaha Dibaddu?
  • Waa maxay istaraatiijiyadda ay xukuumaddu kaga jawaabayso gardarrooyinka Villa Somalia, gaar ahaan warka maanta soo baxay?
  • Isbedelkii Wadani ma wuxuu noqday in laga aamuso gardarooyinka Muqdisho.
    Somaliland waa dal madax-bannaan, Berberina waa Somaliland.

Waxa Qoray: Dr Abdiweli Soufi,
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technologiyadda ee Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories