HomeArrimaha BulshadaCaafimaadSoonka Ramadaan-tu Waxa Uu Hoos U Dajiyaa Macaanka Iyo Dhiig-karka, Waxaanu Qofku...

Soonka Ramadaan-tu Waxa Uu Hoos U Dajiyaa Macaanka Iyo Dhiig-karka, Waxaanu Qofku Dareemaa Caafimaad Badan Iyo Xasilooni Aad U Saraysa”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dad badan ayaa ka cawda xanuunadda ku dhaca caloosha ama uurku-jirta. Kuwaas oo marka ay tagaan goobaha caafimaadka Dhakhaatiirta usoo gudbiya cabashadooda ku saabsan xanuunada ay ka cabanayaan sida Casiraad, Calool Olol, Gaastari IWM.

Dr. C/Naasir Maxamed Cabdi oo ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl gasha Hargeysa ayaa Haatuf uga xog-waramay cabashada dadwaynaha iyo xanuunada ay ka cawdaan inta badan xiligan, waxaanu sheegay in ay jiraan dad badan oo uu la kulmo, isla markaana xanuunadda ay ka cabanayaan ay u badan yihiin xanuunada Uurku-jirta. isaga oo xusay inuu baadhitaanadda caafimaad ee ee uu ku sameeyo qof kasta ku daweeyo waxa uga soo baxa, isla markaana talooyin caafimaad u qadima dadka u yimaada.

Dr. Nasir waxa kale oo uu ka hadlay faa’idada caafimaad ee ku jirta bisha Ramadaan qofka Sooma, waxaanu tibaaxay in laga helo faa’idooyin caafimaad oo badan, waxaanu xusay in qofkii macaan qaba ama dhiigkar qaba uu hoos u dhaco, isla markaana uu dareemayo xasilooni iyo daganaansho aad u badan.

Dr. Nasir waxa uu sidoo kale sheegay in bishan Ramadaan ee aynu ku jirno ay dadka la soo gudboonaadan xanuuno ay u badan yihiin kuwa ka haleela caloosh, waxaanu tilmaamay in tusaale ahaan Afurka oo kale qofku hadii uu mar kaliya Afurka wada qaato ay ciladi ku iman doonto, balse kula taliyey dadka inay kala fogeeyaan wakhtiga cuntadda.

Ugu horayna Dr. Naasir Maxamed Cabdi isaga oo ka hadlaya habka cuntada iyo saamaynta ay Saa’imiinta ku leedahay, waxa uu yidhi “Waxa inta badan dhacda wakhtiyadan Ramadaanta marka uu qofkii maanta oo dhan soomanaa, isla markaana uu cabo biyo badan waxa uu dareemaa casiraad iyo cilado ku kaca oo xaga caloosha ah. Markaas ayuu qofkii la soo xidhiidhayaa xarumaha caafimaadka oo kiniino iyo dawo uu qaadanayaa. Mida kale waxa dhacda in qofka ay ku yaraato inta badan Glucose ama Glucose badan ay timaado, isla markaana uu qofku dareemo cadho badan iyo diiqad badan.

Wakhtiyada kale aan Ramadaanta lagu jirin way jiraan cabashooyin badan oo dadka ka imanaysa, kuwaas oo halka ugu badan ee ay ka cabanayaan ay tahay Caloosha iyo uur ku jirta, kolay dadkeena cabashada calooshu aad ayey ugu badan tahay. Waxa jira oo cabasho badani nagaga timaadaa dadka Gaasta leh (Gaastari), marka biyo cabistoodu yaraato waxa ay dareemayaan calool xanuun, waliba waxa ay dhacdaa inta badan marka uu cunta saliid leh isticmaalo qofku ama uu qaato cunto duban. Taasna waa uu ka nafisaa marka uu qofku qaato dawaddeeda”.

Dr. Cabdi Naasir mar uu ka hadlayay faa’idada bisha Ramadaan, waxa uu yidhi “Dhinaca kale Bisha barakaysan ee Ramadaan waxa dhacda in qofku marka uu soomo ee ay meesha ka baxaan balwaddo badan uu qofku isticmaali jiray, tusaale ahaan hadii uu jaadka cuni jiray hadii uu sigaarka cabi jiray, taasna waxa uu ka helaa caafimaad faro-badan iyo xasilooni aad u saraysa. Waxa kale oo Soonka Ramadaantu aad u yareeyaa xidida oo wareega dhiiga ayey Ramadaantu hoos u dhigtaa, waxa kale oo Soonka bisha barakaysan uu hoos u dajiyaa dadka macaanka qaba iyo kuwa dhiigkarka leh labadaba waa bil ay caafimaad saa’id ah helaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana talo u soo jeedinay dadwaynaha, waxa uu yidhi

“Dadkeena waxaan kula talin lahaa in marka ay Afurayaan in aanay mar kaliya wada qaadan Afurka, isla markaana uu kala fogeeyo wakhtiga uu cuntada qaadanayo”.

Hanta dhawraha guud ee qaranka Somaliland waxa uu cadeeyay in marka ay baadhitaano jiraan masuuliyiin badani ay ka firxadaan xafiisyadooda, waxaanu yidhi “Marka la yidhaahdo baadhis waxa dhacda in uu yimaado firxad iyo baxsasho, waxa weeyaan anagu runtii waxa aanu u xil saaranahay ilaalinta hantida qaranka, taas oo sida aynu ka wada war hayno ka timaadaa cashuurta laga qaado dadka aan waxba haysan, mar walba shicibka waxa aanu u balan qaadaynaa in aanu ilaalin doono, oo aanaan ka joogsan doonin oo aanaan ka gaban doonin, carar kasta oo ay sameeyaan iyo dhuumaalaysi kasta oo ay sameeyaan, waa lama taabtaan cashuurtu hadii aynaan ilaashana qaran noqon mayno”.

Hanti dhawraha guud waxa uu cadeeyay in dawladdaha hoose ee dalku ay yihiin meelaha ugu daran ee ay inta badan ka dhacdo xatooyadda xoolaha umadu, waxaanu sii dhiiranaan ah farta ugu fiiqay dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa oo uu cadeeyay in xatooyada xoolaha umaddu aanay ahayn mid hadda uun bilaabantay balse soo taxnayd ilaa wakhtigii dawladii hore ee siyaad Barre, waxaanu yidhi “Xatooyadii cirka ay isku shareertay, la yaab malaha tuugadii dhici jirtay waayadii hore iyo tani isku midba maaha, dawladda hoose waxa xagga dawladda metela xog-hayeyaasha, masuuliyadda koowaad iyaga ayay saaran tahay, meelaha qaarkood sida wax loo xaday si aad u fool xun bay ahayd, si qaab daran bay ahayd, aqoon darro tuugada caynkaas ah aqoon darro ayaa u wehelinaysay, qofka wax xadayaa marka uu sameeyo in uu si cadaan ah Jeeg ugalo baxo iskama soo eedaynee cadaymo ayaanu soo hor dhignaa.”

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “Anagu dawladda hoose ee Magaaladda Gabiley waanu baadhnay, ta Burco waanu baadhnay, meelaha kale ee noo hadhsana waa baadhaynaa, Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa waa halka ugu badan ee ay ka dhacdo xatooyaddu xitaa marka lagu daro Soomaaliyadii hore, waxa aan idiin sheegayaa in ay hawluhu ilaa hadda si fiican noogu socdaan, mana ah mid naga joogsanaysa”.

Dr. C/Nasir Maxamed Cabdi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories