HomeSomali NewsSomalilandQodobbada Lagaga Hadlay Kulan Hargeysa Ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Israel

Qodobbada Lagaga Hadlay Kulan Hargeysa Ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Israel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey kulanka dhexmaray madaxda labada waddan iyo Arrimaha ay ka wada-hadleen, waxaaana war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil uga mahad naqay go’aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in aqoonsigu uu furayo fursado ballaadhan oo la xidhiidha maalgashiga, ganacsiga, tignoolajiyadda, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh ay la yeelato dalka Israa’iil.
Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israa’iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay go’aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka go’an tahay in ay bulshada Caalamka ay u soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in Dawladda Israa’iil ay Jamhuuriyadda Somaliland hore ula jirtay oo ay aqoonsatay 26.06.1960-kii, imikana ay la jirto oo ay aqoonsatay 26.12.2025, mustaqbalkana ay hiil iyo hooba garab taagan tahay.
Booqashadan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo dibadeed ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland muddo 34 sanno ah, waxa ay xambaarsan tahay miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan, iyada oo ay ku soo beegantay marxalad cusub iyo xidhiidh midho-dhal ah oo u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israa’iil.
Booqashadani waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay go’aankii Geesinimada lahaa ee ay Dawladda Israa’iil 26.12.2025 si rasmi ah ugu aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories