HomeSomali NewsAqalka Congress-ka Maraykanka Oo La Horgeeyey Xeerka Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland

Aqalka Congress-ka Maraykanka Oo La Horgeeyey Xeerka Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congresska Maraykanka, ayaa curiyay ‘Xeerka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland’, kaasi oo jidaynaya in Somaliland loo ictiraafo dal gaarkiisa u taagan.

Mashruucan sharci wuxuu dib u qaabayn doonaa isla markaana lagu sallayn doonaa siyaasadda cusub ee Arrimaha dibadda Maraykanka oo iskaashi la yeellan doonta Somaliland oo ah dal muhiimad istaraatajiyaddeed leh, isla markaana nabdoon oo gaarkiisa isku xukuma.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ku saabsan xeerkan cusub ee madaxbannaanida Somaliland ee Xildhibaan Scott Perry horgeeyey Golaha Congresska, taas oo ay tarjumaad ku samaysay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA oo aanu ka soo xigannay.

Xildhibaan Scott Perry wuxuu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland muujisay in ka badan 30 Sannadood dawladnimo, xasilooni iyo iskaashi loo baahan yahay in Maraykanku taageero.

Xildhibaan Scott Perry waxa kaloo uu ku dooday in Maraykanka ay lagama maarmaan u tahay inuu bahwadaag la noqdo cid la isku hallayn karo, oo saacidaysa danaha Maraykanka xilli kasta iyo meel kasta oo ay macquul tahayba.
Xeerkani wuxuu Somaliland ku majeertay inay u tisqaaday si ka madaxbannaan Maamulka Muqdisho ee xasilooni darrada iyo colaaduhu ragaadiyeen, kuna kooban caasimada Muqdisho.

Xildhibaan Scott Perry waxa uu tafaasiil ka bixiyay in Somaliland ku taallo gacanka cadmeed oo u dhow marinka Babul-mendab el-Mandeb oo uu maro ganacsiga adduunku.

Sidoo kale, waxa uu xeerka madaxbannaanida Somaliland ku booriyay dawladda Maraykanka inay cilaaqaad siyaasaddeed la yeellato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal xilkas ah oo gacanta ay ugu jirto maamulkooda maxalliga ah, isla markaana sameeyay doorashooyin dimuqraadi ah, kana hortagay budhcad baddeeda iyo xagjurnimada.

Xildhibaan Andy Ogles oo ka tirsan Congresska, ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu uu isku ballaadhinayo bariga Afrika, waxaannu ku baaqay in Maraykanku uu xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka madaxabannaan ee Somaliland oo kale ah oo ahmiyad weyn u leh Maraykanka.

Waxa kaloo Mudane Andy Ogles uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay gaadhay xasilooni iyo dimuqraaddiyad.

“Waxaan taageerayaa in dadka reer Somaliland ay doonaan madaxbannaanidooda, waxaanan ayidsan nahay in Maraykanku uu la sameeyo xidhiidh xoogan oo ay ku noqdaan xulafadeenna, ” ayuu yidhi Andy Ogles.

Sidoo kalena, Xildhibaan Pat Harrigan oo isna ka mid Congress-ka, ayaa daboolka ka qaaday inuu taageersan yahay xeerkan soo jeedinaya aqoonsiga Somaliland, waxaannu tilmaamay inay Jamhuuruyadda Somaliland ay muddo dheer isu xukumaysay si nabdoon oo ay cilaaqaad la leeyihiin Taiwan, isla markaana gaashaanka ku dhufteen Shiinaha.

Mudane Pat Harrigan wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay tahay waddan madaxbannaan oo ka gooni ah Soomaaliya, waxaanu soo jeediyay in siyaasadda Maraykanku ay ka turjunto arrintaas.

Waxa kaloo Pat Harrigan uu sheegay in dawladda Maraykanku ay Geeska Afrika kula tartanto xoogaga cadowga ku ah ee Shiinaha hormuudka u yahay.

Wararka Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories