HomeSomali NewsSomaliland"Muddadii 7-da sanno ee aan la shaqaynayey Madaxweyne Siilaanyo, waxaan mar walba...

“Muddadii 7-da sanno ee aan la shaqaynayey Madaxweyne Siilaanyo, waxaan mar walba ku dedaalayey in…” – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

\Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey arrimo la xidhiidha Tabashooyinka Beelaha Gobolka Awdal iyo Bariga dalka ee la xidhiidha dhinaca saami-qaybsiga Dowladda.

blankMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa arrimahan kaga hadlay waraysi uu siiyey Telefishanka Universal, kaas oo wax lagaga waydiiyey sida uu u arko Tabashooyinka ay qabaan Beelaha Gobolka Awdal oo uu isagu kasoo jeedo.

“Cabashooyinkaasi marka la isku yimaaddo ee la wada-hadlo ee Xukuumad ahaan iyo Gobol ahaan loo wada-hadlo wax wax laga soo qaadi karaa wuu jiraa, wax ka badbadis ahina wuu ku jiraa, taasi oo u badan Mucaaradad ku xumee ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anigu muddadii 7-da sanno ahayd ee aan la shaqaynayey Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxaan mar walba ku dedaalayey in aanay gacan ka hadal ka gaadhin, Dadka reer Awdalna waxay tabanayaan ay mar walba Xukuumaddooda kala hadlaan, wayna dhacday oo ururin faro badan baan sameeyay anigoo mar walba ku soo koobaya in aanay Dadkaasi ka bixin Xadka Somaliland iyo wixii Ummaddani ku heshiisay oo aan mar walba horkeeno Madaxweynaha iyo Xukuumaddii markaa jirtay oo laga wada-hadlo. Way jirtay marar badan oo waxyaabihii ay tabanayeen qaybo ka mid ah wax laga qabtay, wax ka mid ah tabashadaa oo aan badnayna imika way jirtaa.” Sidaas ayuu yidhi Md Saylici.

Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sheegay in Jabhadihii kala dambeeyay ee lagaga dhawaaqay Awdal ay ahaayeen kuwo Dadka sameeyay ay Mucaaradnimo ula gashay, qaarkoodna arrinkoodu gaadhsiisnaa heer ah inay Gobolka Awdal ka gooyaan Somaliland inteeda kale, “In Jabhado la sameeyaa waa wax Tabasho ka badan oo Mucaaradnimo la gashay, Dadka qaarkoodna waxay dabada ula gashay wax ka ballaadhan (Jabhadnimo) oo halkan aanan ka faahfaahin karayn,” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal la waydiiyey oo la xidhiidha waxay Jabhadaha qaarkood doonayeen. “Siyaasad ka baxsan Somaliland, dad ay Maskaxdooda ku jirto Itoobiya oo dabada ka geliyo, Gobol gaar loo goosto, waxaas oo Tabashadii ka siyaado ah iyo waxaan Qarankan ka suurto-geli Karin, Waayo? Qarankani waa Qaran jira, Dalka Cid kala goyn kartaana ma jirto, wixii Waaqiciga ahaa markii laga wada-hadlayna waalla dhameeyay.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Tabashada reer Awdal u badan tahay ta Golaha Wakiillada, “Cabashada ugu badan ee reer Awdal waa Golaha Wakiillada Saamiga ay ku leeyihiin, kaasina maaha wax Madaxweyne uu keligii Qalin ku beddeli karo.  Lixdankii waxay Beesha dhexe lahayd saddex Dalooloow 2, beelaha kale oo dhana saddex Dalooloo 1 ayay lahaayeen iyo Qaranka ha la wada yeesho (Maanta) isma qabanayso, markaa Tabashadaas ayaa jirta, taana waxaad mooddaa in Dawadeedii laga war-wareegayo, Maalinta doorashadana uun la soo qaato oo Cid walba ku dagaalanto.” Ayuu yidhi.

Isaga oo Hadalkiisa sii watay, waxa uu sii raaciyey in Beelaha Gobollada bariga laftooda Tabashada ay qabaan la mid tahay ta reer Awdal, “Bariga laftiisuna wuxuu dareensan yahay arrintaa Lixdankii ku fadhida. Lixdankii Maalintii la tagay haddii la eego Dadka kale Saddex Dalooloow 1 ayuu ahaa oo halkaa ayuu fadhiyey, laakiin Beeshii dhexe 2-deedii way haysataa (Imika), wakhtigaa markii Xukuumadda la qaybsaday waalla is leekaa, laba darafyada ah iyo mid ta dhexe ah ayay ahaayeen, tii Maanta lama soo qaado, Waayo? Xukuumaddii waxaad mooddaa in saddex Daloolow 2 uun lagu fadhiisanayo (Xilalka), markaa haddii Lixdankii la wada qaadanayo ha la wada qaato oo Dadka ha lagu Raalli-geliyo oo lagu soo dhaweeyo Dadkii Dadkan wada lahaa.

Aniguna waxaan qabaa haddii aan la xallin karayn (Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada) in sidii kale ee xallili karo loo xallilo oo Xukuumaddii la isku soo dhawaado oo imika aad loo kala fog yahay.” Sidaas ayuu yidhi Md Saylici.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories