HomeSomali NewsSomalilandM/weyne Siilaanyo oo Kulan Deg-deg ah Isugu yeedhay Golihiisa Xukuumadda iyo Nuxurka...

M/weyne Siilaanyo oo Kulan Deg-deg ah Isugu yeedhay Golihiisa Xukuumadda iyo Nuxurka Arrimaha uu kala hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Silaanyo Oo maanta isugu yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn golaha wasiirada Ee Xukuumaddiisa, Maareeyeyaasha Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawlada iyo Taliyeyaasha Ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta isugu yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn wasiirada Xukuumadda iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawladda.

Madaxweynaha oo la hadlayey masuuliyiintii shirka ka qaybgalay,  waxa uu yidhi “Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku bogaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad ka qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye.

Waxaan aamin-sanahay, in aad udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay. Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo qax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey, ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aamin-sanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba.

Mudaneyaal iyo marwooyin,

Sharaf weyn ayey ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan, iyo idinkaba, in  mar labaad xisbigeenii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcad iyo wanaagga aan maanta kaga tagay qarankan, idinkaa sabab u ah. Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama wey kala cawo iyo ayaan badan yihiin.

Kumaan khasaarin, isla markaana eebbe iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyayaashaydii.

Sidaa darted, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahadceliyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila shaqayseen, iina garab is-taagteen.

Mudaneyaal iyo marwooyin

Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guud ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa.

Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in wakhtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. Wakhtiga iyo qaabka xil-wareejinta, waxa sharax dheeraad ah, gun iyo gebo-gebo, waxaan idinkaga tagayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco”. Sidaas ayuu Md Siilaanyo ku sheegay khudbadda uu u jeediyey Golihiisa Xukuumadda.

099A0554 099A0545 099A0550 099A0557

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories