HomeShirkadda TELESOM Oo Maalgalisay Mashruuc Tijaabo ah oo Lagu daryeelayo Carruurta Danyarta...

Shirkadda TELESOM Oo Maalgalisay Mashruuc Tijaabo ah oo Lagu daryeelayo Carruurta Danyarta ah ee La nool Xannuunka Macaanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM, ayaa maal-gelisay Mashruuc lagu hirgelinayo Daryeel Caafimaad oo loo fidinayo Carruurta ka dhalatay qoysaska danyarta ah ee la nool Xannuunka Macaanka.

Mashruucan oo weli tijaabadda ah, laguna daryeelayo carruurta la nool cudurka macaanka isla markaana ay iska kaashaday shirkadda Telesom iyo Xarunta Caafimaadka Global Polyclinic, waxa muddo hal sanno ah daryeel caafimaad lagu siin doonaa 50 carruurta qoysaskoodu danyarta tahay ee xannuunkan la nool.

telesom1Munaasibad agaasinkeeda ay leedahay Xarunta lagu daryeello Carruurta la Nool Macaanka ee Global Polyclinic oo lagu qabtay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa, waxa ka ka qayb-galay maamulka xarunta Caafimaadka Global Polyclinic, masuuliyiin ka tirsan Shirkadda Telesom, Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Qoyska Marwo Shukri Xariir Ismaacil, Agaasimaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, Wakiilka Hay’adda Qaramadda Midoobay ee WHO Marwo Aasiya Cismaan, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyoTabaradda Wasaaradda Caafimaadka ahna xubin ka mid ah boodhka Ururka Dhakhaatiirka Somaliland Dr. Ciise Cabdi Jaamac iyo masuul ka tirsan Dhakhtarka MAS.

Madaxa Xarunta Caafimaadka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi, ayaa ka waramay mashruucan iyo noocyadda adeegyada loogu qaban doono carruurta qaba cudurka Macaanka, waxaanu yidhi, “Waxaan ugu bushaaraynayaa in shirkadda Telesom ay naga caawisay in carruurteena daawo loo helay muddo sanad ah, dawooyin bilaash ahna la siinayo. Runtii waxyaalaha kale ee aanu u qaban doono waxaa ka mid ah in aanu baadhitaan u samayno, documenti u samayno iyo inaynu ogaano horumarka uu ilmuhu sanadkaa gudihiisa iska badalay.”

telesom3Dr. Cabdirisaaq waxa uu sheegay in qiyaas lagu sameeyey heerka uu gaadhsiisan yahay xannuunka macaanka dadka la nool gaar ahaana caruurta lagu ogaaday in ay u dhaxayso 1,200 ilaa 1,400 oo carruur ah, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka iyo goobaha miyiga ah ee dalka. Dhaktar Cabdirisaaq Yuusuf ayaa sheegay in Xarunta Caafimaadka Global iyo Polyinic iyo shirkadda Telesom ay ka go’an tahay in ay hiigsadaan sidii ay u gaadhi laayeen tiradda caruurta ah ee la nool xanuunkan macaanka.

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Ganacsiga shirkadda Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur ayaa ka hadlay ujeedda shirkadda Telesom ka leedahay mashruucan waxaanu yidhi, “Waxaanu doonaynaa In aanu abuurno hal abuur cusub oo ah nooc bulshadeednu isku kaashato ah. Waxaanu rabaa in aan idhaahno maanta waxaanu kafaalo qaadnay dadkeena buka qayb ka mid ah si bulshadeena inteeda kalena ay u bilowdo maadaama ay dalkeena cudurro badani ka jiraan baahi badanina ay dalka ka jiraan. Qodobka labaad waxa weeye in aan tilmaamo in aanu bartimaadeed ka dhiganay dadka macaanku hayo gaar ahaan caruurta waliba danyarta ah ee aan iska bixin karin dawooyinka iyo baahiya uu u baahan yahay xanuunkani iyaduna waa ujeedo kale oo aanu ka leenahay in aanu dadkaasi ka taageerno baahidaas.” Sidaasi waxaa yidhi Cabdisalaan Ismaacil Nuur.

telesom2Wakiilka Somaliland u fadhiya hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsana Caafimaadka ee WHO Marwo Aasiya Cismaan oo iyaduna madasha ka hadashay, ayaa mahadnaq u jeedisay shirkadda Telesom iyadoo ku amaantay kaalinta ay bulshada ugu jirto iyo sida ay u kafaalo qaaday xannuunka Macaanka. Marwo Aasiya waxa ay warranay dhibaatadda uu leeyahay xanuunka macaanka iyo sida ay u dhib badan tahay in lala tacaalo xanuunkaasi, waxaanay ay talo usoo jeedisay dadka u istaagay in ay xanuunkan wax ka qabashadiisa gacan ka gaystaan. Marwo Aasiya Cismaan ayaa sidoo kale sheegtay in tababar la siiyo waalidiinta dhalay caruurta macaanka qaba si ay wixii gargaar degdega ee u ilmuhu u baahan yahay ay ugu qaban karaan.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyoTabaradda Wasaaradda Caafimaadka xubinna ka ah boodhka Ururka Dhakhaatiirka Somaliland Dr. Ciise Cabdi Jaamac oo ku hadlaayey afka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in taageero la garab taagan yihiin markasta cidkasta oo gacan ka gaysanaysa daryeelka caruurta qaba cudurka macaanka.

Waxaa isaguna madasha ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeya oo tibaax ka bixiyey wejiyada kala duwan ee cudurka macaanku xilligan leeyahay iyo inuu ku dhici karta qof kasta. Agaasimaha waxa uu ballanqaaday in Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaruhu ay mashruucan kaga qayb qaadan doonto in ay caruurta qaba macaanka ee lagu xanaanaynayo xarunta caafimaadka ee Global Polynclinic ay ka caawin doona qalabka ciyaaraha oo uu sheegay in ciyaaruhu ay ka mid yihiin waxyaalaha xanuunkan lagula tacaalo.

Gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, Wasiir Ku-xigeenka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Marwo Shugri Xariir Ismaacil oo ku dheeraatay dhibaatada xannuunkani wakhtigan ku hayo bulshada, waxaanay tusaale ugu soo qaadtay in xanuunkani uu ku dhaco carruurta yar-yar.

Wasiirku waxa ay ugu baaqday in bulshadu ka qayb-qaataan sidii gacan looga gaysan lahaa dayreelka carruurta qaba cudurka macaanka, iyada oo dhinaca kale ugu baaqday shirkaddaha Laydhka in ay qiimo-dhimis u sameeyaan qoysaska carruurtoodu qabaan cudurka macaanka maadama dawada macaanku ay u baahan tahay talaagad 24 saacadood shidan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories