HomeSomali NewsSarkaal Hore uga tirsanaan jiray Kooxda Al-Shabaab, Rag ay Saaxiibbo ahaayeenna Qudha...

Sarkaal Hore uga tirsanaan jiray Kooxda Al-Shabaab, Rag ay Saaxiibbo ahaayeenna Qudha laga Jaray, oo Sheegay inuu ka Goostay Kooxdaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Nairobi (SLpost)-  Omar Hammami oo ka mid ahaa dagaal-yahannada ajaanibka ah ee ka tirsanaa kooxda Al Shabab ee ka hawl-gasha gudaha dalka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxay kooxdaas iyo urur-weynaha Al Qaida ee ay xidhiidhka leeyihiin, inkasta oo weli uu aaminsan yahay inuu argagaxiso yahay.

Omar Hammaami oo u dhashay dalka Maraykanka, waxa uu go’aankiisan ku shaaciyey waraysi uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, waxaanu sheegey inuu xidhiidhka u jarey hoggaamiyaha Al Shabab, Mukhtar Abu Zubeyr, oo uu sheegey inuu naftiisa uga baqayo inuu dilo, ka dib markii dhowaan la laayey xubno ka tirsanaa saraakiishii u sar-sarreysay kooxdaas.
Wareysigan oo idaacadda VOA khadka telefona kula yeelatay Hammaami, ayuu ku sheegay inuu haatan ku dhuumaleysanayo keymo ku yaala gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya, waxaanu sheegey in dagaalyahanada Al Shabab ay qabteen labadiisa Xaas wax yar kadib markii sida uu sheegay ay malleeshiyaadka Al-Shabaab qudha ka jareen qof martigaliyey xaasaskiisa.

Hammami, oo ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, ayaa dalkaasi Somalia tegey sannadkii 2006, wakhtigaas oo ay magaalada Muqdisho ka talinayeen Maxaakiimtii Islaamiga ah oo ka adkaaday qab-qablayaashii dagaalka, waxaanu ugu dambeyntii ku biirey kooxda Al Shabab.

Dawladda Mareykanka ayaa raadineysa ninkan, iyadoo loo haysto dacwado ay ka mid yihiin inuu taageero u fidiyey urur argagixiso oo shisheeye. Mareykanka waxaa uu ku yaboohay 5 million oo dollar qofkii soo sheega war ama xog horseedaya in lagu soo qabto Hammami.

SOMALILANDPOST.NEWS

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories