HomeSomali NewsSomalilandMadaxweyne Siilaanyo oo Markii u horreysay Ka Hadlay Khilaafkii gobolka Togdheer Tartanka...

Madaxweyne Siilaanyo oo Markii u horreysay Ka Hadlay Khilaafkii gobolka Togdheer Tartanka Ciyaaraha ka Reebay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta xafiiskiisa kulan soo dhawayn ku  qaabiley xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Gabiley oo ku kala guulaystay koobabkii kubadaha Cagta iyo Kollayga ee tartanka ciyaaraha goboladd dalka, ayaa ka hadlay ujeeddada laga leeyahay tartanka ciyaaraha, isaga oo dhanka kale tilmaamay inaan loo baahneyn dhacdadii lagu xayiray ciyaartoyda Gobolka Togdheer.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirradda Ciyaaraha, Warfaafinta, Madaxtooyada, Badhasaabbada Gobollada Maroodi-jeex, Gabiley iyo xulalkii kubadaha Cagta iyo Kollayga ee labada gobol, waxa uu madaxweynuhu ugu horreyn labada xul ku bogaadiyay dedaalkii ay ku mutaysteen inay noqdaan horyaalka kubadaha cagta iyo kollayga.  “Waxa Farxad weyn ii ah inaan halkan Madaxtooyada kula kulmo dhalinyaradii ciyaarihii goboladda ka qeyb galay ee ku guulaysatay. Xulka Maroodijeex oo ku guulaystay koobkii kubadda cagta iyo Xulka Gabiley oo ku guulaystay Koobkii Kubadda Kollayga Ee tartanka goboladda,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaaruhu ay qaranka ugu fadhiyaan magac iyo maamuus, waxaanu yidhi, “Ciyaaraha Markaynu ciyaarayno waxay qaranka u leeyihiin magac iyo maamuus. Dunida oo dhan ayaa laga daawadaa oo laga dhegaystaa, bulshadeenna isku xidhkeeda, is dhex galkeeda iyo waddaniyada qeyb ka mid ah weeye. Ciyaaraha looguma talo-gelin inay noqdaan meel lagu coloobo iyo meel la iskaga hor yimaado, waxa loogu tallo galay inay noqoto meel dhalinyaradu isku barato oo isku dhex gasho oo ay noqdaan meel ay ku farxaan oo ku ciyaaraan.”

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay ujeeddooyink laga leeyahay tartanka ciyaaraha gobollada, isaga oo dhanka kale talooyin u soo jeediyey dhalinyarada, “Waxaan doonaynaa ciyaartoy ka qeyb gasha ciyaaraha adduunka oo magac iyo maamuusba ku yeesha inaanu soo saarno. Ugumaynaan talo gelin dhalinyaro magaalo ka timi inay iyagu is qabsadaan oo is dilaan, macnaha ciyaaruhu kaas ma aha,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu dhalinyarada Somaliland ku booriyay inay u soo jeedsadaan ciyaaraha, dhismaha jidhkooda iyo dhismaha maskaxdooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories