Shirkadda Telesom oo $250,000 Ugu Deeqday Ganacsatada Suuqa Idaacadda Oo Dhawaan Gubtay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Telesom Group ayaa $250,000 (Laba boqol iyo konton kun oo dollar) ugu deeqday dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay dabkii ka kacay suuqa Idaacadda oo ka mid ah suuqyada ugu dhaqdhaqaaqa badan caasimada Somaliland Hargeysa.

Masuuliyiin ka socda shirkadda Telesom, ayaa lacagtan ku wareejiyey Guddiga heer Qaran ee Madaxweynuhu u magacaabay taakuleynta Ganacsatada khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaas, Sida lagu sheegay qoraal kooban oo shirkaddu baahisay.

Kulanka lacagta lagula kala wareegay waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Heer Qaran ee Taakuleynta Ganacsatada Suuqa Idaacadda ahna Wasiirka Hawlaha Guud Xuseen Axmed Caydiid, Maayir ku-xigeenka Caasimadda iyo masuuliyiin ka socday shirkadda telesom.

Qoraalka shirkadda ayaa lagu sheegay inay deeqdani qayb ka tahay doorka shirkaddu kaga jirto taakuleynta bulshada iyo ka-qayb-qaadashada gurmadka aafooyinka dabiiciga ah.

“Maaha markii koowaad ee ay Telesom Group ka qaybgasho musiibooyin dalka iyo dadka ku habsatay, dhawaan ayuun bay ahayd markii aannu gacan weyn ka gaysanay musiibadii Suuqa Waaheen Hargeysa, Wajaale iyo khasaaraha dabka suuqii Taywaan ee magaalada Jigjiga, waana waajib na saaran, waananu sii wadi doonaa taakulaynta iyo taageerada bulshadeenna.” sidaas waxa lagu yidhi qoraalka shirkaddu baahisay.

Telesom Group ayaa noqonaya shirkaddii 3aad ee qaadhaan ugu yaboohda Suuqa Idaacadda, waxaana ka horreeyey shirkadda MSG Group oo ku yabooday $250,000 iyo Shirkadda Dahabshiil Group oo Guddiga Heer Qaran ku wareejiyey $330,000 oo ay kaga qayb-qaadatay taakulada dadka ku caydhoobay dabkii ka kacay suuqa idaacadda.

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This