Biyaha Webiga Nile waxa saamayn ku leh 11 Waddan oo u kala baxa Kuwo Biyuhu soo maraan iyo kuwa biyaha webiga ka faa’idaysta.
Biyaha Webiga badankoodu waxa ay ka yimaaddaan 9 Waddan (Upstream Countries) halka 2-da kale ka ay faa’idaystaan (Downstream Countries) kheyraadka Webiga.
Sagaalka Waddan ee ay soo maraan Biyaha Webiga Nile ayaa kala ah upstream countries Ethiopia, Uganda, Tanzania, Kenya, Rwanda, Burundi, South Sudan, iyo the Democratic Republic of Congo.
Labada waddan ee kheyraadka biyaha ka faa’idaysta noloshooduna ku xidhan tahay ayaa kala ah Sudan iyo Masar.
Webiga Nile waxa sameeya laba webi oo kala ah Niilka Cad (White Nile) oo ka yimaadda Harada ugu weyn Afrika ee Vicoria oo ay wadaagaan dalalka Uganda, Tanzania iyo Kenya. Niilka Cad waxa uu maraa dalalka Uganda iyo South Sudan waxaana dhexda kaga sii darsama webiyo kale ka hor inta aanu gaadhin caasimadda Sudan ee Khardoum halkaas oo ay iskaga darsadaan Niilka Buluugga ee ka yimaadda dalka Ethiopia.
Niilka buluugga ah (Blue Nile) oo ka bilaabma Harada Tana ee dalka Ethiopia, waxa ka yimaadda biyaha ugu badan ee ay helaan dalalka ka faa’idaysta kheyraadka biyaha webiga Nile ee Sudan iyo Masar, waxaanay labada webi iskaga darsamaan magaalada Khardoum.
Biyo-xidheenka ugu weyn qaaradda Afrika ee GERD oo maanta la daah-furay waxa ay Ethiopia ka samaysay meel u dhow u xuduudka ay la wadaagto Sudan, gaar ahaan gobolka Benishangul-Gumuz oo Blue Nile dhexmaro maro ka hor inta aanu u gudbin Sudan.
Maadaama Blue Nile yahay isha biyaha ugu badan ee Webiga Nile, waa sababtan awgood in dalalka Sudan iyo Masar ka qayliyaan dhismaha biyo-xidheen oo udub-dhexaad u ah khilaaf u dhexeeya saddexda waddan.

