HomeSomali NewsSomaliland“Qarannimada Somaliland maaha mid ku dhisan khariidad system kombuyuuter sameeyo..”  - Wasiir...

“Qarannimada Somaliland maaha mid ku dhisan khariidad system kombuyuuter sameeyo..”  – Wasiir Hore Dr Cabdiwali Sh.Cabdilaahi Suufi Jibriil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEISA – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technolojiyadda ee Somaliland, Dr Cabdiwali Sh.Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay isbeddel shirkadda GOOGLE ku samaysay khariiradda saxda ee Jamhuuriyadda Somaliland oo laga saaray qaybo ka mid ah gobollada Bari ee dalka.

Ex-wasiir Suufi waxa uu sheegay in khariidadda Google Maps aanu ka dhignayn xadka siyaasadeed ee dal leeyahay balse ay tahay adeeg shirkad gaar ahi leedahay oo aan ka tarjumayn Qarannimada iyo Midnimada dhuleed ee Somaliland.

Qoraal uu Wasiirku arrintan kaga hadlay oo Warbaahinta soo gaadhay, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaa saacadihii u dambeeyay ka socday Baraha Bulshada warar ku saabsan in shirkadda Google systemka ay leedahay ee Google Maps uu wax beddelay khariididda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo laga saaray qaybo ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Arrintan waxay ku timid faragelin siyaasadeed oo ka timid maamulka Muqdisho, taas oo baryahan ku hawlanayd in ay qariso xaqiiqda dhabta ah ee jiritaanka Somaliland.

Muqdisho waxa ay muddooyinkii dambe ku hawlanayd inay cadaadis saarto hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah sida Google iyada oo la dagaalamaysa madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland. Google, oo ah shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay waxa ay mararka qaarkood aqbashaa cadaadisyada dawladaha kaga yimaadda, sida jaziiradda Ciremia oo Google Maps raacisay Russia ka dib markii lagu cadaadiyey.

Tallaabadan Muqdisho qaaday waxa ay ku soo beegantay xilli dabaylaha aqoonsiga Somaliland ay marayso meel aad u wanaagsan oo dawladda Maraykanku hormuud u yahay. Sidoo kalena, caalamku qirsan yahay in dawladnimada iyo

Dimuqraadiyadda Somaliland ay tahay mid taabo gal ah oo door wayn ka qaadan karta xasiloonida iyo degenaanshaha aduunka , halka nidaamka Xasan Sheikh tahli kari laayahay inuu dhaafo xayndaabka magaalada Muqdisho inkasta oo kharash badan aduunku ku bixiyay.

Waxa aan shacabka Somaliland ku baraarujin lahaa inuu ogaado in khariidadda Google Maps aanu ka dhignayn xadka siyaasadeed ee dal leeyahay. Waa adeeg shirkad gaar ahi leedahay oo aan marna meesha ka saarayn Qarannimada iyo Midnimada dhuleed ee Somaliland.

Qarannimada Somaliland maaha mid ku dhisan khariidad system kombuyuuter sameeyo ee waxa ay ku dhalatay rabitaanka shacabka Somaliland ee 1991,

Kaddib halgan dheer iyo dhiig badan u daadatay. Xuduudaha Somalilandna waxa ay la mid tahay xuduudaha wadamada kale ee African-ka ah ee gumaystuhu qeexay caalamkuna isku raacsan yahay in la dhawro.

Shacabkayga Somaliland waxa aan leeyahay aynu labanlaabno dedaalka aynu ku raadinayno aqoonsi aynu dalkeena u helno sidoo kalena ku hor marinayno dalkeena.

Maamulka Muqdisho ee itaalka daran leh waxa aan leeyahay tallaabo kasta oo aad qaadaan waxba yeelli mayso in  Somaliland hesho aqoonsi caalami ah ama farogaliya khariidadda Google Maps ama abaabula dagaallo siyaasadeed,diblumaasiyadeed  iyo tiknoolaji oo aydan waxba kaga qaadayn qarannimada Somaliland.

Somaliland Guul iyo Gobanimo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories