HomeQalinka AqoonyahankaSaamaynta Ajaanibka ku nool Somaliland, Xeerka Jinsiyadda iyo Isbeddelka Loo Baahan yahay

Saamaynta Ajaanibka ku nool Somaliland, Xeerka Jinsiyadda iyo Isbeddelka Loo Baahan yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ma hubo tirada dhabta ah ee ajaanibta joogta gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin qof aan la hadlay wuxuu ii sheegay in tiro u dhexeysa 200 kun ilaa 300 kun oo ajaanib ahi ay ku nooshahay Jamhuuriyadda Somaliland, dadkaasi oo inta ugu badani ku nool yihiin Hargeysa.

Dadkaas waxaa dheer ummad aynu dhiig iyo dhalasho wadaagno, oo Somaliland ku dhashay oo aanu sharcigu u ogolayn inay helaan jinsiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, xuquuq kale oo degenaanshana aan lahayn.

Waxaan muddo 5 sannadood ah oo noloshayda ah ka shaqeeyay hawlaha socdaalka, waxaan si tabaruc ah ula shaqayn jiray haayad la yidhaahdo British Refugees Council, markaa waxba iga bilaaban sida loo maamulo xeerarka jinsiyadda iyo socdaalka.

Haddii aan xukuumadda kala talin lahaa arrimaha waxaan kula talin lahaa:

1. Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waa inay curiso seddex xeer oo kala ah
b) Sharciga qaadashada jinsiyadda iyo muwaadinimada (the law of naturalisation and citizenship)
t) Sharciga dejinta sharci ee muhaajiriinta” (Law of permanent legal settlement for immigrants)
j) Sharciga Deggenaanshaha Ku-Meel-gaadhka ah (Temporary settlement status law)

Waxaa dhawaan ay haayadaha ammaanka JSL ku soo rogeen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay qaatan kaadhka aqoonsiga jinsiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo sida dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland dhigayo ay keliya xaq u leeyihiin dadkii ama beelahii ay ka tafiirmeen dadkii ama beelahi degenaan jiray Somaliland British Protectorate markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimada qaadatay 26 June 1960-kii.

Qofka aan beelaha ka soo jeedin xaq uma laha inuu helo kaadhka jinsiyadda JSL, xita haddii hooyada dhashay ay tahay Somalilander.

Taasi waa dulmi weyn, wallow dadka 300 kun ee qof lagu qadaray ay ku jiraan dad badan oo mudan in laga saaro dalka, maadama ay nusqaan amni iyo dhaqaale ku yahiin, haddana waxaa ku jira kumanaan kale oo eheladeena ah, waxaa ku jira caruurta Abtiga/habaryarta u nahay, kuwa aynu ilmaabti iyo habra-wadaag nahay, kuwa dhaqaalaha dalkeenu ku tiirsan yahay oo goobaha laf dhabarteena u ah ka shaqeeya, dadkaasi waxay u baahan yahiin inay helaan xuquuq ay ku degenadaan JSL.

Waxaan soo jeedin lahaa in xeerka jinsiyadda wax laga badalo oo caruurta hooyooyinka muwaadiniinta JSL loo ogolaado jinsiyadda.

Waxaan sidoo kale soo jeedinayaa in dadka aynaan ka maarmi karin la siiyo degenaansho laba u kala baxa: Mid ku meel gaadh ah oo labadii sanno mar lacag lagu jidiidiyo iyo mid aan dhacayn oo rasmi ah (Permanent Residency).

Helida sharciyadani waxay qayb weyn ka qaadanayaan ammaankeena, in lala socdo cidda dalka soo gashay iyo cidda ka baxday, iyo in qofka danbi gala lala socdo, meel loogu hagaagana la helo.

Wa bilaahi tawfiiq

Qalinka Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories