HomeQalinka AqoonyahankaAfar Qodob Oo Somaliland U Horseedi Kara Qaran Horumaray Oo Taabbo Gal...

Afar Qodob Oo Somaliland U Horseedi Kara Qaran Horumaray Oo Taabbo Gal Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland; Waa in ay hirgelisaa oo la timaadda Afar-tan Tiir ee hoos ku xusan Oo ah horseedka iyo Horumarka Qaran taabo-gal ah.
 
Jamhuuriyadda Somaliland ee barakaysan waxaa waajib qaran ku ah in ay si istaraatiji ah xoogga u saarto afar arrimood oo aasaasi u ah dhismaha dawladnimo, midnimo bulsho iyo horumar waara.
 
Afar-tan tiir waa hagayaasha mustaqbalka qaran guulaysta xiliga dhaw, waana sidan:-
 
1. Daryeelka Bulshada (Social Welfare & Development)
Daryeelka bulshadu waa laf-dhabarta horumarka qaran. Waa in la xoojiyo lana casriyeeyo adeegyada bulshada si ay u daboolaan baahiyaha muwaadiniinta.
 
Arrintani waxay ka kooban tahay:
b) Helitaanka caafimaad tayo leh oo la wada gaadhi karo.
t) Waxbarasho casri ah oo waafaqsan baahiyaha maanta iyo mustaqbalka.
J) Helitaanka biyo nadiif ah.
x) Sugnaanta cunnada iyo horumarinta beeraha.
kh) Cadaalad la isku halayn karo oo si siman ugu adeegta muwaadiniinta.
d) Xalinta tabashooyinka bulsho si caddaalad iyo wada qanacsanaan loo helo.
r) Daryeelka xoolaha nool iyo kobcintooda/daryeelkooda wax-soo-saarkooda
s) Ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo kuwa dabiiciga ah.
 
Bulsho dareenta caddaalad, daryeel iyo sinaan waxay noqotaa bulsho midaysan oo jecel dalkooda oo si naf hurnimo leh u difaacda una ilaashata.
 
2. Difaaca Qaranka
Difaaca qaranku waa tiirka sugaya jiritaanka iyo madaxbannaanida qaran. Waa in la xoojiyo difaaca gudaha iyo dibedda, lana kobciyo wacyiga waddaniyadeed, dhisid ciidamo daryeelan oo aan lahayn darayo oo leh tayo iyo qalab taabbo gal ah.
 
Muwaadiniinta iyo hay’adaha dawladdu waa in ay noqdaan difaacayaal qaran oo ay ka go’an tahay ilaalinta;
b) Madaxbannaanida,
t) Midnimada &
j) Sharafta dadka iyo dalkaba.
 
3. Xoojinta Danjireynta iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.
Siyaasadda arrimaha dibeddu waa albaabka sumcadda iyo danaha qaran ee dal kasta.
 
Waxaa muhiim ah:
 
b) In la yeesho qorshe diblomaasiyadeed & siyaasadeed oo cad.
t) In la doorto oo la xusho diblomaasiyiin aqoon iyo khibrad leh oo marxaladdan inagala dabaasha oo u baahan caqli, cilmi, waaya-aragnimo, karti iyo daacadnimo.
j) In qurbajoogta iyo shacabka gudahaba laga dhigo dan-jireyaal qaran oo Bahda dhaqanka, Culimada, Saxaafadda, dhalinyarada, Haweenka, Aqoonyahanka, Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhista la abaabulo oo meel looga soo wada jeesta cadowga leh ‘maxaydun u jiraysaan’.
 
Danjireyn xooggan waxay sare u qaadaa aqoonsiga, iskaashiga, iyo danaha shacab iyo dawladaba iyo dalkeena Somaliland.
 
4. La-dagaalanka Musuqa.
Musuqu waa caqabad iyo aafo-qaran oo u baahan in loola dagaalamo si mug iyo miisaan leh. Waa dhibaayooyinka ugu weyn ee horumarka hortagaan.
 
Sidaas darteed, waxa lama huraan ah;
b) In Dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka dawladnimo.
t) In Casriyeynta hannaanka maamulka & maaliyaddaba.
j) Samaynta qorshe qaran oo cad oo lagula dagaallamo musuqa.
x) Isla xisaabtan, Hufnaan & daah-furnaan leh Oo ku qotomida sharci, dhaqan & Diin.
kh) In sharciga la fuliyo oo aan laga leexleexan, cid kasta oo musuq ku kacdana uu qabto oo meel looga soo wada jeesto, loona aqoonsado shacabka iyo wadankaba in uu yahay qofka ku kacay musuqa iyo xatooyo xoolo dadweyne.
 
Hufnaan iyo isla xisaabtan ayaa dhaliya kalsooni bulsho iyo horumar waara.
 
Gunaanad:
 
Haddii afar-tan tiir si dhab ah loo hirgeliyo, Somaliland waxay yeelan kartaa:
b) Midnimo bulsho oo xooggan.
t) Nabad iyo xasillooni siyaasadeed.
j) Horumar dhaqaale iyo bulsho.
x) Qaran ay muwaadiniintu ku wada qanacsan yihiin.
 
Horumarka qaranku waa masuuliyad wadajir ah.
 
Marka la mideeyo himilo, dadaal, iyo daacadnimo, Somaliland waxay gaadhi kartaa mustaqbal ifaya.
 
W/Q: Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirkii Hore ee W/H/Maaliyadda
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories