HomeSomali NewsSomalilandMuxuu Siciid Sulub ka yidhi Is-casilaadda Gabboose iyo inuu Damac kaga jiro...

Muxuu Siciid Sulub ka yidhi Is-casilaadda Gabboose iyo inuu Damac kaga jiro Kursiga uu Banneeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Wasiirkii hore ee Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka hadlay aragtidiisa is-casilaadda Wasiirkii arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo khamiistii ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hayey.

Siciid Sulub ayaa sheegay in laga been abuuray war ay Wargeysyada qaarkood baahiyeen oo sheegayey in damac ka haya Kursiga uu Dr. Gaboose banneeyey. Ugu horreyn Siciid Sulu boo ka hadlayey sida uu u arko is-casilaadda Dr. Gabboose, waxa uu yidhi;  “Is-casilaadda  Dr Gabboose anigu aragti ahaan waxaan u arkaa, maahmaah Soomaali ah ayaa waxay tidhaahdaa; ‘Nin Faras dabadii ka degay wax u dhaama ayuu waayay’. Waxaa jirtay xan suuqa ku jirtay baryahan in la eryayayo Gabboose, markaa waaxan filayaa inuu tashaday oo uu is yidhi; ‘intaan laga xarrago qaadan adigu meesha iskaga tag oo bannee, sida aynu la wada socono dawladdii ina Cigaal  Dr Gabooso waxa uu ka ahaa Wasiir Wasaaradda arrimaha gudaha, shan bilood markuu shaqanayey habeen ayaa qaflad lugu qabtay Janankii Ciidammada oo markaa  ahaa  Cilmi-kabaal ayaa la soo diray 3-dii habeenimo oo markaa waqraqad u siday oo hidhbaa ku dhacay, markaa isaga oo tii oo kale ka baqaya  in warqad Saqadhi Dubbad sido loo keeno.”

Siciid Sulu boo la weydiiyey inuu faahfaahiyo xanta uu sheegay inay Gaboose suuqa ugu jirtay, waxa uu ku jawaabay; “Run ahaantii anigu immika kuma dhex jiro qorshahan, markaa waxyaabaha lugu  eryayo iyo sababaha waxa la waydiinayaa Xukuumadda iyo dadka xogogaalka u ah, laakiin sida aniga isoo gaadhaysa waxaan maqlay in isaga iyo rag kale aanay dhaafayn bishan Ramadaan.”

Mar la weydiyey Siciid Sulub inna inay wax damac ahi ka hayo buuxinta Kursiga Gabboose oo shalay qaar ka mid ah Wargeysyada dalku baahiyeen, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Arrintaasi wa arrin la yaab leh aniguba maanta (shalay) ayaan maqlay dad meel ku qoray  magacyo aan ku jiro, anigu waxaan ahaaa nin ka tirsan Xukuumaddii hore waxaan ahay nin UDUB ah oo markaa dadkuna wuu kala suntan yahay.  Way jiraan dad xisbiyada iyo waxaa kala beddasha, aniga waxaa la igu yaqaanana in aanan mabda’ayga ka leexan, markaa aniga xukuumaddan immik jirta wax hunguri ah oo iga haya inaan ka mid noqdo ma jiro. Waxaa jira rag badan oo naf iyo maalba u soo horay Xisbiga kulmiye maxaa kuwaas loo odhan waayay hungiribaa ka haya?.”

Siciid Sulub mar uu ka hadlayey safarka Madaxweynaha Somaliland kaga soo laabtay dalka Shiinaha, waxa uu yidhi; “Anigu halkaa wax faa’iido ah oo nugu cusub ka UDUB ahaan ma jiro, maaha markii ugu horaysay ee la tago Shiinaha ee heshiis lala sexeexdo Deked ha la sameeyo ama wax kale ha la qabtee, sheekdan ku soo korodhay ee la leeyahay waxaa innoo saxeexaysa Itoobiya, annaga taasoo kale namay soo marin sababtoo ah waxaaynu nahay dal xor ah oo aragtideenna ayeynu u madax-banannahay inkastoo aynaan ictiraaf haysan haddana waad bahantay looma bahalo cuno.”

“Waa ay jirtay anagu dedaallo badan oo aannu galnay xagga safarrada, waxaa jirtay in mararka qaar na lagu xidhi jiray aqoonsi ma haysataan. Waxa kale oo jirtay inay Xukuumado nagala hadlaan iyo sharkado gaar loo leeyahay, markaa anigu marna shaki maangalin jrin macdanta iyo khayraadka dalka, markaa waxa habboon tijaabada annagu galannay ee midho dhali wayday inay waqti iskaga lumiyaan maaha.”

Sidoo kale, Siciid Sulub Maxamed oo ka hadlayey baaqa Xukuumadda Somaliland ee ah in la caawiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu waxyeelleeyeen, waxa uu yidhi; “Baaqa Xukuumadda ee ah in la caawiyo dadka reer Soomaaliya, waxaan u arkaa innagu dad Islaam ah ayaynu nahay, markaa Muslinku Soomali haku abtirsado ama cid kalee wixii dhibaataysan in laga damqado oo wax la taro Diinteenna wanaagsan ayaa inna faraysa, laakiin aniga dareenka I hayaa waxaa weeye in laga sii babadinayo in dadka wax la taro oo sadaqada la baxsado in taasoo kale ku dhacdo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories