HomeHargeysa: Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal iyo Isimo la socda oo Booqday Dugsiga...

Hargeysa: Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal iyo Isimo la socda oo Booqday Dugsiga Agoomaha ee Kuwait iyo Arrimo ay ka hadleen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wefti isugu jira madax-dhaqameed iyo wax-garad ka socda dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo shalay dalka soo gaadhay, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku maray Dugsiga Agoomaha magaalada Hargeysa ee ay dhistay dowladda Kuwait.

Ujeeddada socdaalka weftiga madax-dhaqameedka ah ee DDSI ayaa ah sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen xaaladda iyo qaabka uu u shaqeeyo Dugsiga Agoomaha ee Kuwait oo la qorsheeyey in noociisa oo kale laga hirgeliyo magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

blankWaxa weftiga Xarunta Dugsiga Kuwait ee magaalada Hargeysa ku qaabilay isla markaana casho-sharaf ugu sameeyey maamulka sare hay’adda African Relief Ustaad cabdiraxmaan Macalimow, Suldaan Axmed Maxamed Col-haye (Abu Salmaan) oo ka mid ah aasaasayaashii hay’adda iyo Maamulka Dugsiga Kuwait.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil Waal oo hoggaaminayey weftiga madax-dhaqameedka DDSI, ayaa soo-dhawaynta lagu qaabilay uga mahad-celiyey maamulka hay’adda African Relief iyo maamulka dugsiga Agoomaha Kuwait. Waxa kale oo garaadku dowladda Kuwait uga mahad-celiyey Xarumaha waxbarashada iyo farsamada gacanta lagu barto ee ay ka hirgeliyeen dhulka Soomaalida oo magaalada Hargeysa ugu horeyso, waxaanu ku boorriyey inay dhismaha xarumahan oo kale gaadhsiiyaan deegaannada kale ee Soomaalida.

Garaad Bashiir Garaad Makhtal oo isaguna kulanka ka hadlay, ayaa waramay muhiimadda waxqabadyada ka socda Xarunta Dugsiga Agoomaha ee Kuwait intii ay ku gudo-jireen kormeerka indho-indhaynta ah ee dugsiga ay ku mareen.

blankWaxa uu Garaadku sheegay in qorshaha ah in dugsiga Agoomaha ee Kuwait laga hirgeliyo magaalada Jigjiga ay ku dhalisay iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood iyo xidhiidhka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada shacab ee DDSI iyo Somaliland.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu Salmaan) oo ka hadlay kulanka casho-sharafta ah, ayaa ka war-bixiyey dedaalladii loo sooo maray hirgelinta in Dugsiyada Agoomaha Kuwait laga sameeyo Somaliland. Waxa uu Suldaanku mahad-gaar ah u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu sabab u ahaa in mashruuca dugsiyada Waxarasho kheyriga ah ee Dowladda Kuwait la keeno ama laga hirgeliyo Geeska Afrika.

Suldaan Abu Salaam waxa kale oo uu bogaadiyey iskaashiga u dhexeeya labada dowladood ee DDSI iyo Somaliland oo uu xusay inuu sidii hore ka wanaagsanaaday intii uu xilka qabtay madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar.

Maamulayaasha Qayta Farsamada Gacanta iyo Qaybta Waxbarashada oo dugsigu u qaybsan yahay, ayaa xubnaha weftiga madax-dhaqameedka ah sharraxaad ka siiyey qaabka ay u shaqeeyaan.

Warkan oo muuqaal ah ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories