HomeSomali NewsMd Muuse Biixi oo markii u horeysay ka hadlay Eedaymo uu u...

Md Muuse Biixi oo markii u horeysay ka hadlay Eedaymo uu u jeedin jiray Madaxweynihii uu Wasiirkiisa Daakhiliga ahaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay jawaab ka bixiyey eedaymo uu u jeediyey iyo dhacdo dhexmartay Allah ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo isagoo xilligaas ahaa wasiirkiisa arrimaha Gudaha ay isaga hor yimaaddeen tallaabada laga qaadayo iyo qaabka lagu wejaho mucaaradad madax-dhaqameedku xilligaas kala hor yimaaddeen xukuumadii xilligaas.

Madaxweyne Biixi oo saaka markii uu furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka kaddib suxufiyiinta u oggolaaday inay su’aalo weydiiyaan, ayaa jawaab ka bixiyey su’aal la weydiiyey oo u dhignayd sidan:- “Saaka waxaad timi dugsigii aad ka baxday 53-sanno ka hor, waxaan doonayaa inaan ku xusuusiyo, waxaan dhammayn oo laga joogo muddo 20 sanno ah, wakhtigii uu tala dalka hayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaad ku jirtay siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa, wakhtigaas intaad la hadashay waxaad sheegtay in madaxweynaha adigoo ku tilmaamaya inuu 70-jir ku talinayo, adigoo leh Maxkamaddii reerkaaga ayaa haya, taliyihii Ciidanka Qaranka reerkaaga ayaa haya, Xeer-ilaalintii reerkaaga ayaa haya. Bal maanta adigaa kursiga ku fadhiya, da’du waa da’iisii, bal maxaad ka xusuusataa maalintaa inay ka jirto Xukuumaddaada maanta?”

Waxa uu Md Muuse Biixi ku jawaabay, “Waxaan ka xusuustaa da’da, waa runtaa oo da’du waa da’dii koley waa laguu sheekeeyey oo xilligaas maad jirine, Maxamed Xaaji Ibraahim wasiirkiisa Daakhiliga ayaan ahaa. Waa runtaa oo intaasba waan ku canaantay oo waxaan ka qabanayey qalad uu maalintaas ku jiray. Khaladkaasi waxa uu ahaa markii ay salaadiinta Somaliland ku shireen guriga Suldaan Barre oo dad caqli xun intay u taliyeen la yidhi Ciidanku ha weeraraan oo Taangiyo ayaa la soo dhaqaajiyey. Taangiyada qoladii wadatay ninkii hortagay ayaan ahaa ee yidhi waar Xaggee ku socotaan maad waalan tihiin. Maxamed-na intaas ugu tagay gurigiisa ayaan intaa iyo in ka badan-ba ku yidhi, waayo waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee wasiir daakhligiisa ahaa ee saaxiibkii ahaa ee isaga qaban lahaa. Waanu iga aqbalay oo wuu ka daayey, Somaliland-na waa ta halkaas ku maraysa.”

Dhinaca kale, waxa uu Md Muuse Biixi oo la weydiiyey in Xadhigga Siyaasiga ahi ku soo batay dalka muddadii uu xilka hayay, waxa uu ku jawaabay, “Xadhig siyaasi ah maaha, dambiilaha waa la xidhayaa; ninkii dambi gala ha odhanin waa siyaasi, siyaasigaa dambi gali kara, dhakhtarkaa gali kara, adigoo weriye ahbaa gali kara, baayac-mushtarkaa gali kara. Dambiile waa la qabanayaa si dalku hore ugu socdo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories