Imtixaanka Shahaadiga ah oo Maalintiisa 1aad Habsami ku dhammaaday iyo Wasaaradda oo ka hadashay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka oo maanta uu daah-furay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa maalintii koowaad si habsami ah oo xasilooni ku dheehan tahay ku soo dhammaaday iyadoo aanay jirin wax qalalaase ah oo guud ahaan dalka goobaha ay imtixaanku ku qabsoomay laga soo wariyey.

Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa kormeer ay ugu kuur-galayaan ku galaa-bixiyey goobaha muddadii uu imtixaanku socday iyagoo u kuur-galayey xaaladda iyo habsami socodka Imtixaanka.

Masuuliyiinta ayaa markii imtixaanku soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxa ka warbixiyeen xaaladda guud ee imtixaanku ku bilaabmay maanta, iyagoo sheegay inuu si nabad-gelyo ah ku soo dhammaaday guud ahaan dalka oo dhan.

Faahfaahinta warkan kaga bogo Muuqaalkan Hoose

- Advertisement -

Latest News

UK Government raises concern over Journalist arrests in Somaliland

"Independent journalism, freedom of expression and civic space are signs of confidence and resilience in a democracy," - British...
- Advertisement -

More Articles Like This