Madaxweynaha Qaranka oo ka hadlay Xaaladda Dugsigii uu ka baxay Nus-qarni ka hor oo uu maanta ka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee dalka ka daah-furay Dugsiga H/Dhexe ee Sheekh Cali Ibraahim (Ex-Biyo-dhacayga Sare) oo madaxweyne Biixi dugsigiisii Dhexe ku dhammaystay 53-sanno ka hor.

Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu gaadhayso 30,000 (soddon kun) oo arday, wuxuu madaxweynuhu ka daah-furay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ah dugsigii kasoo baxay 53 sano ka hor, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu tilmaamay inuu qaranku geliyey waqti badan iyo tamarba.

Madaxweyne Biixi oo wax laga weydiiyey Xaaladda Dugsiga uu ka qalin-jabiyey Nus-qarni ka hor, waxa uu yidhi, “Dugsiga oo wakhtigii aan ka baxay ka soo wareegtay nug-qarni iyo dheeraad, wax badan oo horumar ahna wuu sameeyey, dhibaatooyin badanna way ka muuqdaan, Iskuulku wuu batay oo barigii aan joogay Afar Fasal buu ahaa, arday badan baa soo gashay, dadkii baa soo degay magaalada, waa cidhiidhi oo ganacsigiibaa ku soo dhawaaday, wuxuu u baahan yahay dhaqaale oo bannaannada loo kordhiyo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

 

 

 

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This