HomeSomali NewsSomalilandMadaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida General Jidhif iyo Maxamed Xaashi...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida General Jidhif iyo Maxamed Xaashi Cilmi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida ku timi Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo caawa ku kala geeriyooday magaalooyinka Hargeysa iyo Riyaad.

Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo sidoo kale hore u soo noqday Maayirka Hargeysa, ayaa caawa ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga oo muddooyinkii u dambeeyey lagu dabiibayay halka Marxuum Maxamed Xasan Jidhif caawa ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla Hargeysa oo gelinkii dambe ee maanta xaalad caafimaad loo dhigay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo caawa soo saaray dhambaalo tacsi ah oo uu kaga warramay aqoontii uu u lahaa labada marxuum, waxa uu madaxweynuhu ka sheekeeyey doorkii ay ku lahaayeen halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo Hayaankii dhismaha dowladnimada Somaliland.

Md Muuse Biixi Cabdi, waxa uu marxuum Maxamed Xaashi Cilmi ku sifeeyey dhaqaale yahan ka tegey xasuuso badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, kana baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, isagoo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururkii SNM, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, markii danbena qarankiisa ugu shaqeeyey Xilal ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa, Wasiirka Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyadda.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, ehelladi iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey shaqsiyadii Marxuum Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), waxa uu  marxuumka ku sifeeyey taliye waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka lagu xoreeyey, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka iyo ciidanka booliska Somaliland oo uu ka soo noqday Taliye ku xigeen, isagoo markii danbena noqday  taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, qoyskii, ehelladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories